Garowe (Puntland Post):- Maxkamada ciidamada qalabka sida Dowladda Puntland ayaa maanta xukuno kala duwan ku riday maxaabiistii Alshabaab ee lagu hayay xabsiga dhexe ee magaalada Garowe, koowada aan horey maxkamad loo soo taagin.
Xeer ilaaliyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida Puntland Cabdkariin Xasan Firdhiye ayaa Saxaafada u sheegay in la xukumay 28 ka mid ah Shabaabkii da,doodu u dhexeysay 18 jir iyo 15, laguna riday xukuno u dhexeeya 15 ilaa 20 sano oo xarig ah.
Sidoo kale wuxuu sheegay Xeer ilaaliyuhu in qaarka soo haray ee da,doodu u dhaxayso 15 ilaa iyo 10 sano jir tiradooduna dhan tahay 26 maxbuus in lagu xukumay dhaqan celin lagu sameeyo.
Maxkamada ciidamada qalabka sida Puntland waxay horey xukuno dil ah ugu riday 43 ka mid ah Shabaabkii lagu qabtay dagaaladii ka dhacay xeebaha Nugaal iyo Mudug, inkastoo weli ay ku maqan yihiin racfaankii ay ka qaateen xukunkii hore ee lagu riday.
PUNTLAND POST
The post Puntland oo maanta xukun ku riday 54 ka mid ah Alshabab appeared first on Puntland Post.