Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Ra’iisul-wasaaraha dawladda Federaalka Soomaaliya oo si diirran loogu soo dhoweeyey Caasimadda Puntland ee Garoowe.

$
0
0

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 20 September, 2016 Magaalada Garoowe kusoo dhoweeyey Ra’iisul-wasaaraha dawladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo oo ka kooban labada gole ee dawladda Federaalka Soomaaliya.

Soo dhoweynta Ra’iisul-wasaaraha ayaa waxaa ka qayb qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi, labada guddoomiye ku-xigeen, Wasiirro, Xildhibaano, siyaasiyiin, saraakiisha ciidanka, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan.

Wafdigaasi uu hoggaaminayey Ra’iisul-wasaaruhu ayaa soo dhoweyn kadib waxaa loo soo gudbiyey qasriga Madaxtooyada dawladda Puntland ee Garoowe, halkaas oo ay si wada jir ah warbaahinta qaybeheeda kala duwan ugula hadleen Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Ra’iisul-wasaaraha dawladda Federaalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in uu socdaalka Ra’iisul-wasaaruhu uu salka ku hayo indho-indhaynta hawlaha la xiriira arrimaha doorashooyinka oo ka soconaya guud ahaan dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in Ra’iisul-wasaaruhu u yimi Puntland sidii loo sii amba qaadi lahaa geeddi socodka hannaanka doorashooyinka dalka ka qabsoomi doona bilaha soo socda, isla markaana uu doonayo Ra’iisul-wasaaruhu in uu si dhow ula socdo xasilloonida iyo nabadda gaamurtey ee ka jirta Puntland.

Dhinaca kale Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay sida aan kala harka lahayn ee ay dawladda Puntland iyo shacabkeeduba u soo dhoweeyeen isaga iyo wafdigiisa isla markaana uu muddo kooban sii joogo Puntland.

Ugu dambayn Ra’iisul-wasaaraha ayaa ku ammaanay dawladda Puntland nabad-gelyada, xasilloonida iyo hannaanka dawladnimo ee ka jirta Puntland, isagoona u rajeeyey in hannaanka doorashooyinku ay Puntland si wanaagsan uga qabsoomi doonaan.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
img_7865 img_7868 img_7871 img_7873 img_7875 img_7884 img_7887 img_7888 img_7890 img_7891 img_7893 img_7894 img_7897 img_7898 img_7901 img_7902 img_7903 img_7904 img_7905 img_7906 img_7907 img_7909 img_7912 img_7915 img_7917 img_7921 img_7926 img_7930 img_7931 img_7932 img_7935

The post Ra’iisul-wasaaraha dawladda Federaalka Soomaaliya oo si diirran loogu soo dhoweeyey Caasimadda Puntland ee Garoowe. appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>