Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wasiirka Haweenka Puntland oo kormeertay guryo loo dhisayo Naafadda iyo Wasaaradda

$
0
0

Garowe (Puntland Post):- Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Puntland Drs Aniso Xaaji Cabdulqaadir Muumin ayaa maanta kormeer ku samaysay halka ay marayaan dhismayaasha labo guri oo Garowe looga dhisayo  Wasaaradda Haweenka iyo Naafadda Puntland.

Dhismaha xarunta cusub ee Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska oo ah nooc casriya ayaa la dhagax dhigay bishii 1aad ee bilowgii sanadkan 2016 wuxuuna marayaa hadda heer gabo gabo ah,Iyadoona ay maal-galinayso dhismahan Hay,adda UNHABITAT.

Sidoo kale Wasiir Aniso Xaaji Cabdulqaadir ayaa kormeertay guriga Naafadda Puntland oo markii ugu horeysay xarun loogu tala-galay laga dhisayo magaalada Garowe,Waxayna indho indhayn ku samaysay Wasiir Aniso xaruntan oo dhismaheedu hadda dhamaaday Islamarkaana sugaysa in dhawaan xariga laga jaro, Waxaana maal-galisay dhismaha guriga naafadda hay,adda bisha cas ee dalka QADAR.

Socdaalka Wasiirka Haweenka Puntland maanta ku tagtay halka laga dhisayo Guryaha cusub ee loogu tala-galay Wasaaradda Haweenka iyo Naafadda ayaa ahaa mid loogu kuurgalayo qiimeynta guryahan oo hadda heer gabo gabo ah .

1 img-20160920-wa0001 img-20160920-wa0004 img-20160920-wa0007 img-20160920-wa00081 img-20160920-wa0008 img-20160920-wa0018 img-20160920-wa0020 img-20160920-wa0022 img-20160920-wa0023 img-20160920-wa0024Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Wasiirka Haweenka Puntland oo kormeertay guryo loo dhisayo Naafadda iyo Wasaaradda appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>