Garowe (Puntland Post):- Waxaa caawa lagu qabtay magaalada Garowe munaasabad lagu soo bandhigayo afar buug oo uu alifay Qoraa Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud Awmuuse, waxaana kazoo qeyb galay goobta bandhiga buugaagtan Culimo udiin, Haween,Aqoonyahano iyo Dhalinyaro.
Dr Siciid Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud oo ah wiil uu dhalay qoraaga buugtn ayaa ka waramay taariikh nololeedka aabihii iyo macluumaadka ay xambaarsan yihiin buugta uu qoray ,wuxuuna sheegey inuu aabihii ku dhashay Buuhoodle sanadkii 1952-dii, Isagoona sheegey inuu kazoo jeedo qoraagu qoys ehlu diini ah.
Waxa uu sheegay wiilka uu dhalay Qoraa Cabdulqaadir Muumin inuu Aabihiis culuunta islaamka iyo shareecada uu ka bartay xalaqaadka masaajidka iyo wax akhriskiisa furan oo uu ku sameeyey kutubta shareecada islaamiga, wuxuuna sheegay inuu ku qaatay qoraagu noloshiisii oo dhan dacwada iyo camalka islaamka.
Dr Siciid Cabdulqaadir ayaa sheegey inay yihiin kutubta ay soo bandhigeen afar kitaab oo uu Aabihii uga waramayo khibrada uu u lahaa taariikhda baraaruga Islaamka ee uu usoo joogay, kaalintii uu ku lahaa xilligii ay Soomaaliya ka bilaamatay xarakul Islaamiya oo ahayd 1960-kii,iyo bidhaaminta taariikhda dacwada ee qarsoon.
Qaar ka mid ah dadkii lagu casumay munaasabada lagu soo bandhigay 4 kitaab oo uu qoray Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud Awmuuse ayaa soo dhaweeyey buugtan, waxayna sheegeen inay cilmi badan xambaarsan yihiin kutubta uu qoray Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud Awmuuse.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Garowe oo lagu soo bandhigay buug uu qoray Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud appeared first on Puntland Post.