Sarkaal dowlada Mareykanka u hadalay aya BBC-da u sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ay mas’uul ka yihin duqeymihii loo gestay kolonyo baabuur ah oo siday gar-gaar kuwaas oo isniintii la soo dhaafay lagu duqeeyay gudaha dalka Suuriya.
Mareykanku waxa uu sheegey in labo kamid ah diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ay hawada kujireen waxyar kahor inta aan la duqeyn kolonyada gar-gaarka siday.
Sidoo kale wuxuu intaas ku dareen in marka la eego qaabka loo fuliyay weerarkaasi ay u muuqata in tahay mid aanay fulin ciidamada Suuriya .
Dhanka kale dowlada Ruushka oo ka hadashay arinkani aya iska fogesay edeymaha loo soo jeediyay iyadoo sheegtay in diyaaradhooda dagaalka iyo kuwa Cidamada Dowlada Suuriyaba aysan ku lug laheyn duqeyntaasi.
Ruushka ayaa sidoo kale sheegtay in diyaaradahooda drons-ka ee aan duuliyaha lahayn ay ku daba jireen kolonyada ,basle markii dambe la damiyay Kamerooyinkii ku rakibanaa diyaradahaasi.
Dowladda Suuriya ayaa duqeyntaasi ku eedeysay dagaalyahanada Mucaaradka ah ee la dagaalamaya dowlada Bishar – Al-asad.
PUNTLAND POST
The post Mareykanka oo Rushka ku eedeyay duqentii Baabuurtii Gargaarka siday appeared first on Puntland Post.