Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garoowe: 388 Ardey oo dhameysatey Waxbarashada Dugsiga sarre oo xaflad Garowe ku sameystey,Sawiro.

$
0
0

Garoowe: (pp)- Ardaydii dhameysatey sanad dugsiyeedka 2013 ee dugsiga sare Gambool magaalada Garowe ayaa maanta xaflad ay ku sameysteen hoolka shirarka Jaamacada PSU ee Magaalada Garowe waxaa kazoo qeyb galay masuuliyiin ka tirsan labada Gole ee Dowlada Puntland, Ururada Bulshada iyo Marti sharaf badan.

IMG_1583388 Arday oo isugu jirey wiilal iyo gabdho kana mid ah ardaydii sanadka ka qalin jabiyey fasalka ugu danbeeya ee Iskuulka Gambool ayaa xaflada ardaydu sameysteen ka dhex muuqanayey , kuwaas oo munaasabadooda u sameeyey bandhig aad u sareeya oo ka hadlaya dhinacyo ay ka mid yihiin dhiiri galinta waxbarashada, horumarinta goobaha waxbarashada iyo ka wacyi galinta bulshada tahriibta.

Masuuliyiin ka socotey Jaamacadaha PSU iyo Bariga Africa ee ku yaal magaalada Garowe oo munaasabada hadalo kazoo jeediyey ayaa ku booriyey ardayda inay sii wataan waxbarashadooda , iyaga oo ka faa,iideysanaya fursado badan oo xilligan ardaydu u heli karaan sii kordhinta aqoontooda.

IMG_1525Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Siciid (Juxa) oo ka mid ahaa masuuliyiintii xaflada kazoo qeyb gashay ayaa hadal uu ardayda usoo jeediyey ku sheegey in wasaarada waxbarashadu dadaal dheer u galeyso sidii fursado shaqo iyo kuwo waxbarasho ugu raadin lahayd dadka kazoo baxa waxbarashada ee u baahan in laga caawiyo helitaanka tasiilaad kala duwan.

Puntland sanad walba ardayda ka baxda Dugsida sare waxa wasaaradu waxbarashadu dadaal ugu gashaa inay deeqo waxbarasho kuwooda ugu sareeya ugu dirto wadanka dibadiisa iyadoona midaasi ay dhiiri galin weyn ka geysatey dadaalka waxbarashadooda u galaan ardayda oo aad moodo sanadihii u danbeeyey in uu ka dhex jirey tartar xoogan oo ku aadan sidii ardey waliba uu u heli lahaa fursadaha jaamacadaha dibada loogu dirayo.

Marka laga tago Magaalada Garowe waxaa magaalooyinka kale ee Puntland ka jira xaflado kala duwan oo sidan oo kale ardayda iyana dhameystey dugsiyada sare u sameysanayaan, kuwaas oo sida la oran karo u dabaal dagaya sanad dugsiyeedkoodii ugu danbeeyey.

IMG_1537 IMG_1535 IMG_1522 IMG_1526 IMG_1528 IMG_1541 IMG_1560 IMG_1557 IMG_1552 IMG_1583 IMG_1605 IMG_1564
Nagala soo xiriir :  Puntlandpost.pp@gmail.com\

Puntlandpost.com

Garoowe.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>