Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Guddiga doorashada heer Puntland oo warsaxaafadeed soo saaray

$
0
0

Garowe (Puntland Post):- Guddiga doorashada Soomaaliya ee heer Puntland oo maanta shir jaar’id  ku qabtay xarunta hay’adda PDRC ee magaalada Garowe ayaa soo saaray warsaxaafadeed ku saabsan adkaynta iyo xaqiijinta kuraasta haweenku ku leeyihiin aqalka hoose iyo aqalka sare ee barlamaanka Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ayaa lagu xusay in beelaha Puntland laga doonayo inay beel kasta soo diyaariso kursiga haweenka ku leeyihiin aqalka hoose ee golayaasha barlamaanka Soomaaliya, si loo fuliyo heshiiska madasha qaran.

Gudoomiyaha guddiga doorashada heer Puntland Nabaddoon Khaliif Aw-cali ayaa sheegay beeshii soo gudbin weyda kuraasta haweenka in laga laalidoono kursigaas inta go’aan laga gaarayo, wuxuuna beelaha ugu baaqay inay xilweyn iska saaraan inaanan lagu murmin qoondada dastuuriga ah ee haweenku leeyihiin.

Gudoomiyaha guddiga doorashadu waxaa kale oo uu sheegay in loo baahan yahay in la xaqiijiyo qoondada 30% ay haweenku ku leeyihiin aqalka sare ee barlamaanka Soomaalia, isagoo ku baaqay in lasoo dadajiyo soo xulida kuraasta haweenku, si aan dib u dhac ugu imaan doorashooyinka dadban ee dhawaan ka dhicidoona.

Dhagayso guddiga doorashada.

dsc08429 dsc08431 dsc08438 dsc08446Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Guddiga doorashada heer Puntland oo warsaxaafadeed soo saaray appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles