Garowe (Puntland Post):- Hay’adda wadooyinka Puntland ee PHA iyo Hay’adda GIZ ee dalka Jarmalka ayaa maanta Garowe ku daahfuray wajiga kowaad ee tartanka qandaraaska dayactirka 80 Km oo kamid ah wadada laamiga ah ee u dhexaysa Garoowe iyo Galkacyo.
Qandaraaskan waxaa soo codsaday 9 shirkadood oo maxali ah, kuwaas oo sideed kamid ah ay soo buuxiyeen sharuudihiii codsiga, waxaana shuruudaha lagu kala saarayo ku dhawaaqay Gudoomiyaha Hay’ada wadooyinka Puntland ee PHA Eng Maxamuud Cabdinuur Aadan.
Gudoomiyaha hay’adda wadooyinka Puntland ayaa shacabka reer Puntland ugu hmbalyeeyay mashruucaan inuu marayso meeshii ugu dambeysay oo ah fulintiisa, wuxuuna sheegay inay haatan u fadhiyaan shuruudaha ay ku xulanayaan shirkadaha qandaraaslayaasha, iyadoo sharuudahaas ay kala yihiin,
- Shirkadu inay haysato aqoonsi ama ka diiwaan gashan tahay dowladda Puntland.
- Shirkadu inay leedahay Waaya aragnimo ku saabsan dhismaha jidadka.
- Shirkadu inay haysato qalab iyo Engineero aqoon u leh shaqada la qabanayo.
Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Puntland Shire Xaaji Faarax, Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Ilaalinta Duurjoogta iyo Dalxiiska Puntland Cali Cabdulaahi Warsame, Sarkaal sare oo ka socda Hay,adda GIZ iyo Madaxda Hay,adda PHA ayaa ka qeyb galay munaasabada maanta daboolka looga qaaday sanduuqa lagu soo riday codsiyada shirkadaha u tartamaya dhismaha laamiga dheer ee isku xiraya Garowe iyo Gaalkacyo.
Eng Maxamuud Cabdinuur ayaa sheegey inay si wada jir ah u fulinayaan mashruucan Dowlada Puntland oo ay wakiil uga tahay Hay,adda Wadooyinka PHA iyo Midowga Reer Yurub oo ay wakiil ka tahay Hay,adda GIZ.
Waxa uu sheegey Eng Maxamuud Cabdinuur inay si wada jir u maamulayeen sanduuqa shirkaduhu codsiga tartanka qandaraaska dhismaha wadada kusoo dirayeen guddi ka kala tirsan Hay,adda Wadooyinka Puntland iyo Hay,adda GIZ , Islamarkaana uu leeyahay sanduuqu afar quful oo muujinaya inuu si cadaalad ah ku dhacayo u tartamida wadadan.
Wasiirka deegaanka iyo duurjoogta dowladda Puntland Cali Cabdullaahi Warsame ayaa tilaabo wanaagsan oo horumar leh ku tilmaamay dhismaha wadada Gaalkacyo iyo Garowe, isagoo oo sheegay inay tahay isha dhaqalaha Puntland, wuxuuna ku dhiiri galiyay hay’adda PHA iyo GIZ inay ka miro dhaliyaan hirgelinta wadadaan.
Wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah Puntland Shirre Xaaji Faarax oo soo gabagabeeyay barnaamijkaan ayaa sheegay dowladda Puntland inay dadaal xoogan ugu jirto sidii mashruucaan uu uguulaysan lahaa, si looga baxo dhibaatada wada xumo ee haatan ka jirta inta u dhexeysa Garowe iyo Gaalkacyo.
dscn5327 dscn5328
dscn5353
dscn5355
dscn5359 dscn5360 dscn5361 dscn5362
dscn5365
dscn5388
dscn5320Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST.
The post PHA iyo GIZ oo maanta daboolka ka qaaday Sanduuqa tartanka dhismaha wadada Garowe iyo Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.