Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wasaaradda Haweenka Puntland oo lix gabdhood waxbarasho ugu dirtay dalka Hindiya

$
0
0

Garowe (Puntland Post):- Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Puntland Drs Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin ayaa maanta xafiiskeeda ugu samaysay kulan sagootin ah lix gabdhood oo Wasaaraddu waxbarasho jaamacadeed iyo mid koorso ugu dirtay wadanka Hindiya .

Kulankan sagootinta waxaa ka qeyb galay Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Agaasimo waaxeedyada wasaaradda ,gudoomiyaha haweenka Puntland, lixda gabdhood ee waxbarashada loogu dirayo dalka hindiya, iyo Wasiirka Wasaaradda haweenka iyo horumarinta qoyska Puntland Drs Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin.

Lixdan gabdhood ayaa saddex ka mid ah oo laga keenay deegaanada ka fog laamiga dheer waxa  muddo lix bilood ah ay wax kasoo baran doonaan machad la yiraahdo Parefood College oo ku yaala dalka Hindiya, Waxaana la bari doonaa waxbarashada ilayska cad cadeeda ku shaqeeya ee Sollarka, Iyadoona marka ay soo dhamaystaan waxbarashadooda lasoo siin doono qalabka Sollarka.

Sidoo kale Wasaaradda Haweenka Puntland ayaa deeq waxbarasho Jamaacadeed oo master ah ugu dirtay dalka Hindiya saddex gabdhood  waxaana kala shaqeysay wasaaradda deeqdan jaamacadda oo soconaysa muddo labo sano ah hay,adda UNWOMEN ee Soomaaliya.

Wasiir Aniso Cabdulqaadir Xaai Muumin ayaa uga mahadcelisay dhinacyadii wasaaradeeda kala soo shaqeeyey deeqda waxbarasho ee dalka Hindiya ay ugu dirtay lix gabdhood , Waxayna si gaar ah Wasiirku ugu mahadcelisay Masuuliyiinta Safaaradda Soomaalida ee dalka India ,Dowlada Wadanka Hindiya iyo Hay,adda UNWOMEN.

Waa markii ugu horeysay oo deeq waxbarasho oo heerkan gaarsiisan Wasaaradda haweenka iyo Horumarinta Qoyska Puntland u direyso gabdho muwaadiniin ah oo u dhashay Puntland.

img-20160921-wa0003 img-20160921-wa0004 img-20160921-wa00061 img-20160921-wa0006 img-20160921-wa0007 img-20160921-wa0009 img-20160921-wa0011 img-20160921-wa0012 img-20160921-wa0013 img-20160921-wa0014 img-20160921-wa0015 img-20160921-wa0016 img-20160921-wa0017-copy img-20160921-wa0019-copy img-20160921-wa0023-copy img-20160921-wa0027-copy img-20160921-wa0030-copy img-20160921-wa0031-copy img-20160921-wa0032-copy img-20160921-wa0033-copy img-20160921-wa0036-copy img-20160921-wa0037-copy img-20160921-wa0039-copy img-20160921-wa0047-copy img-20160921-wa0050-copy img-20160921-wa00622-copy img-20160921-wa0065-copyAbshir Dhiirane

PUNTLAND POST.

The post Wasaaradda Haweenka Puntland oo lix gabdhood waxbarasho ugu dirtay dalka Hindiya appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>