Kismaayo: (pp)- Maamulka Jubaland ayaa qaadacay ka qeyb galka shir DF Somalia ay qaban qaabineyso oo la doonayo in Muqdisho lagu qabto oo ay masuuliyiin ka tirsan Xukuumada Federalku sheegeen in uu qeyb ka noqonayo waxa ay ku sheegeen xal u helida khilaafyada Jubooyinka.
Cabdinaasir Seeraar Afhayeen Jubaland oo warbahinta la hadlay ayaa sheegey in Dowlada Jubaland marnaba aysan aqbali doonin ka qeyb galka shirka Muqdisho laga qaban qaabinayo ee ay wado DF Somalia, isagoo sabab uga dhigey in maamulka Jubaland uu yahay mid dadku sameysteen uusana ka dhex jirin wax khilaaf ah marka laga reebo Masuuliyiinta DF oo iyagu qas ka dhex wada dadka gobolada Jubooyinka iyo Gedo.
“Shirkaa lagu baaqay in Xamar lagu qabto waxaa ka horeysa in aan Siyaasiyin ku heshiino go’aankii ay Dowlada Federaalka horey uga qaadatay maamulka laga dhisay Jubaland” Ayuu yiri Afhayeenka maamulka Jubaland Seeraar.
Cabdinaasir Seerar waxa uu sheegey in ay ka horeyso shir Jubaland ku saabsan oo ay DF Somalia qabato , inay marka hore DF Somalia madaxdeedu waafaqaan sida sharcigu yahay aqoonsiga Jubaland oo ay si cad u inkirayaan iyaga oo aan raali ka ahayn sida xaqu yahay ummada oo dhamina u wada jeedo.
Seeraar waxa uu carabka ku dhuftey inaysan marnaba dhaceyn Jubaland oo dib loo celiyo islamarkaana loo baahan yahay wixii dhameystir ah oo ay DF qeybteeda ka qaadato.
Qaadacadda shirka Muqdisho ee Jubaland ayaa ku soo aadaysa xilli Masuuliyiin ka tirsan DF Dowladaha Jubaland iyo Puntland ay ku eedeen inay ka danbeeyaan dagaaladii toddobaadkii hore ka dhacay magaalada Kismaayo, islamarkaana ay taasi calaamad u noqoneyso sida aysan dhex dhexaad uga noqon karin DF Somalia isku soo dhawaanshiyaha iyo rabitaanka maamulka ka hana qaada deegaanada Jubooyinka iyo Gedo.
Puntlandpost.com
Kismaayo.