Garowe (Puntland Post):- Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Puntland Drs Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin ayaa kulan casho sharaf ah ugu samaysay magaalada Garowe inta badan xubnaha ugu miisaanka culus ee haweenka u sharaxan Xildhibaanada Baarlamanka Dowlada Federalka Soomaaliya.
Kulankan casho sharafta oo qeyb ka ah qorshe Wasaaradda Haweenku waday mudooyinkan danbe oo ku saabsan in lagu tiro koobo haweenka u sharaxan Baarlamanka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiir Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin iyo Inta badan xubnaha ugu miisaanka culus haweenka u sharaxan kuraasta baarlamanka .
Wasiir Aniso Cabdulqaadir ayaa kala hadashay haweenka Xildhibaanada caqabadaha hadda hortaagan iyo Sidii ay u kaalmeyn lahayd Wasaaradda Haweenka Puntland hadey ahaan lahayd dhinaca kharashka,u doodida iyo dhiiri galintaba.
Waxayna kula dardaarantay Wasiir Aniso Cabdulqaadir inay ka qeyb qaataan haweenka u sharaxan Xildhibaanada dhiiri galinta haweenka madaama iyagu hadda isu sharaxeen masiirka iyo hogaaminta ummada.
Isku soo wada duuboo casha sharaftan ayaa horudhac u ah kulamo ku saabsan dhiirigalinta haweenka oo Wasaaraddu qorsheynayso dhawaan inay qabato.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST.
The post Wasiirka Haweenka Puntland oo la kulantay haweenka u sharaxan baarlamanka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.