Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Shirkad Turkiya oo lagu wareejiyey Maamulka garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

$
0
0

Muqdisho: (pp)- Shirkad Ajnabi ah oo laga leeyahay dalka Turki-ga ayaa lagu wareejiyeymaamulka garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho sida lagu shaaciyey shir ay Muqdisho ku yeesheen golaha xukuumada ee uu hogaamiyo Ra,iisal wasaare Cabdi Faarax (Shirdoon).

Wasaaradda Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka ayaa kusoo bandhigtey maanta shirkii golaha Wasiirada Muqdisho Qorshe ku saabsan ku wareejinta maamulka Garoonka Shirkad Turkish ah.

Waxaana gabo gabadii Kulanka wasiiradu ku yeesheen Muqdisho oo uu shir gudoominayey Ra,isal wasaraha Somalia ayaa lagu go,aamiyey in hada wixii ka danbeeya shirkadan ay maamuli doonto Garoonka , islamarkaana ay muddo 8 bilood gudahood ah isbedel ku sameyso shirkadu garoonka oo ah mid uu ka jiro burbur iyo dayac.

Lama sheegin ilaa iyo waqtiga shirkadan ay ka howl gali doonto maamulka Garoonka , waxana horey u jirtey shirkad laga leeyahay dalka Maraykanka oo la yiraahdo SKA oo maamuleysay Garoonka Muqdisho saddexdii sano ee lasoo dhaafey.

Shirkadii SKA oo iyadu sida muuqata meesha ka baxdey ayaan la ogeyn sababta maamulka garoonka looga wareejiyey iyadoona aan lagu faahfaahin warka kasoo baxay kulankii golaha wasiirada isbedelka maamulka ee Garoonka Muqdisho loogu wareejiyey shirkada cusub ee Turkiga laga leeyahay, taasi oo meesha ka saartey shirkadii hore ee SKA.

Marka laga soo tago la wareegida shirkadan ee Maamulka Garoonka waxay qeyb ka noqoneysaa mashaariicda Dowlada Turki-gu mudooyinkii u danbeyey ka fulineysay Gobolka Banaadir gaar ahaan Muqdisho.

Dowlada Turki-ga ayaa horey u shaacisey inay mashaariic ka fulineyso guud ahaan Somalia , balse markii danbe ay kusoo koobtey fulinta mashaariicdeeda Magaalada Muqdisho oo kaliya, mana jirto faahfaahin sugan oo ay Dowlada Turki-gu kaga hadleyso isbedelka ku yimid balan qaadyadii ay horey u sheegtey.

Shirkadan cusub ee la wareegeysa maamulka Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa kusoo beegmeysa xilli uu garoonka ka jiro burbur iyo baahiyo kala duwan oo soo gaarey ka dib markii ay burburtey Dowladii Kacaanka Soomaaliyeed Ee Jaale Siyaad Bare.

Puntlandpost.com
Muqdisho.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>