Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Goob Dad Shacab ah ay ku Sugnaayeen Baled-weyne oo Qarax lagu Weeraray

$
0
0

Wararka naga soo Gaaraya Magaalada Baled-weyne Ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Qarax.

Qaraxaan oo Ahaa nooca Bamka gacanta laga tuuro ayaa lagu weeraray Goob Ay ku sugnaayeen dad rayid ah.

ku Dhowaad 10 Ruux ayaa ku dhaawacantay Qaraxaasi dadka rayidka ah la la eegtay kuwaasi oo ku sugnaa  Xaafada Buundo weyn ee magalada beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

dadkii ku dhaawacmay weerarkaas ayaa la geeyay isbitaalka Guud ee Magaaladaas halkaasi oo hadda lagu dabiibayo.

Lama oga cid ka danbeysay bamka latuuray iyo cida ay la bartilmaameedsanayeen  iyadoo ay Xusid mudantahay in aanay halkaasi ku sugneeyn Masuuliyiin Dowladeed.

Goobta bamka lagu tuuray ayaa ah goob mashquul ah oo xiliyada fiidkii oo ay bulshadu isugu yimaadaan waxana kalkaa ku yaala maqaayado ay dadku ku fiidsadaan.

Ciidamada Booliska magaalada beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa howlgal ka sameeyay goobta uu falka ka dhacay waxaa jira dad loosoo qab-qabtay weerarkaas oo haatan ku xiran Saldhiga Guud ee Magalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post

The post Goob Dad Shacab ah ay ku Sugnaayeen Baled-weyne oo Qarax lagu Weeraray appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>