Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Dib u dhac ku yimid soo bandhigista xubnaha Aqalka sare ee Somalia

$
0
0

Maanta waxay ku aadanayd maalintii lagu ballamay in la soo bandhigo xubnaha ka mid noqonaya aqalka sare,laakin taas ma dhicin oo waxay u muuqata jadwalka doorashada ee horay loo diyaariyay dib inuu u dhacay.

Doorashada Aqalka sare ee Baarlamaanka oo ka kooban 54 xubnood ayaa ku yimid dib u dhac, iyadoo qorshuhu ahaa maanta oo 25-ka bisha September ah in maamul goboleedyada ay soo gudbiyeen.

Mas’uuliyiin ka tirsan Guddiga doorashada ayaa u xaqiijiyay warbaahinta inuu dib u dhac ku yimid doorashadii Aqalka sare, iyadoo soo xulista Xildhibaanada Aqalka sare oo ka koobnaa 54 xubnood laga sugayay inay soo xulaan Baarlamaanada Maamul Goboleedyadyada.

Guddiga doorashada dadban ayaa horay u shaaciyay inay dhici karto in doorashada ay waqtigeeda dib uga dhacdo, maadaama ay jiraan caqabado kala duwan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dib u dhaca Aqalka sare ay sabab u tahay, Maamul goboleedyada oo aan wali soo gudbin Xildhibaanadii Aqalka sare u matali lahaa iyo Maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo aan wali la dhisin, taasna ay dib u dhac ku keentay 8-dii xubnood ee Aqalka sare ka imaan laheyd maamulkaas.

Jadwalkii doorashada ee horay loo soo gudbiyay ayaa sidan u qornaa:-

Jadwalka Doorashada:

  1. Aqalka sare 25 September
  2. Baarlamaanka 24 September – 10 October
  3. Dhaarinta Xildhibaannada 20 October
  4. Doorashada Guddoonka Baarlamaanka 25 October
  5. Doorashada Madaxweynahan 30 October

Tani waxaa laga-yaaba inay rumeyso tuhunkii laga qabay doorashada waqtigeeda inay ka dib mari karto,iyadoo marka loo sababeynayo arrimo farsamo ilaa iyo hadana lama oga xilliga rasmiga ee la soo bandhigayo Xildhibaannada aqalka sare,lamana saadalin karo dib u dhaca ku yimid doorashada.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Xafiiska wararka Puntland Post Muqdisho

The post Dib u dhac ku yimid soo bandhigista xubnaha Aqalka sare ee Somalia appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>