Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Jaamacadda Bosaso University oo xarun ka dhisanaysa Garowe

$
0
0

Garowe (Puntland Post):- Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa saaka ku dhagax dhigay magaalada Garowe xarun cusub oo ay yeelan doono Jaamacadda Bosaso University Faraceeda magaalada Garowe, waxaana ka qeyb galay munaasabadii lagu dhagax dhigayay masuuliyiin ka tirsan Jaamacada Bosaso, Wasiiro, iyo Ardeyda Jaamacadda wax ka barata.

Xarunta cusub ee Jaamacadda Bosaso University ku yeelanayso magaalada Garowe ayaa laga dhagax dhigay duleedka bari ee magaalada Garowe gaar ahaan agagaarka qabuuraha Shiikh Yaasiin.

Cabdirasaaq Axmed Faarax oo ku hadlaya magaca maamulka Jaamacada Bosaso University ayaa ka warbixiyay dadaalka Jaamacaddu wado, wuxuuna sheegey inuu dhismahani noqon doono mid casriya.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Dr Abshir Awyuusuf Ciise ayaa ku bogaadiyay maamulka Jaamacadda Bosaso University dadaalka ay ugu jiraan inay soo saaraan jiilal cusub oo dhinaca aqoonta.

Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo dhagax dhigay xarunta cusub ee Jaamacadda Bosaso ku yeelanayso magaalada Garowe ayaa sheegay inuu u rajaynayo Jaamacadda iyo Maamulkeeda guul.

img_8171 img_8173 img_8177 dscn5799 dscn5803 dscn5806 dscn5807 dscn5813 dscn5818 dscn5820 dscn5827 dscn5828 dscn5829

img_8191 img_8229 img_8239 img_8242 img_8245 img_8244Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.

The post Jaamacadda Bosaso University oo xarun ka dhisanaysa Garowe appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles