Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha Puntland oo Garowe ka dhagax dhigay dhismeyaal muhiim ah

$
0
0

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 25 September, 2016 dhagax dhigay dhisme cusub oo ay yeelan doonto Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland, dhismahaas oo ka mid noqon doona dhismayaasha casriga ah ee ay u wareegeen inta badan Wasaaradaha dawladda Puntland.

Munaasabadda dhagax dhiggaan cusub ee  wasaaradda ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinayey Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Dr. Abshir Yuusuf Ciise, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, Agaasimaha Guud iyo saraakiil kale oo ka tirsan wasaaraddaasi.

Madaxweynaha dawladda Puntland oo munaasabadda dhagax dhigga hadal ka jeediyey ayaa ku ammaanay Wasaaradda Wax-barashada iyo tacliinta sare dedaalka ay ugu jirto dar-dar gelinta adeegyada ay bulshada siiso iyo kor u qaadidda tayada aqoonta waxbarashada Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynuha ayaa waxa uu tilmaamay in dhismahaan cusubi uu waxbadan ka kaabi doono Wasaaradda iyo habsami u socodka shaqada baaxadda leh ee ay wasaaraddu bulshada u hayso isla markaana waxa uu fududayn doona helitaanka adeegyo badan oo muhiim u ah waxbarashada.

Sidoo kale Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhagax dhigay dhisme cusub oo ay yeelan doonto Jaamacadda Boosaaso faraceeda Garoowe, dhismahaas oo noqon doona mid wax-badan ka beddeli doona baahiyaha Jaamacaddaasi.

Munaasabadda dhagax dhigga Jaamacada ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiirka Waxbarashada, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda waxbarashada, Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi, Maamulka iyo Macallimiinta Jaamacadda Boosaaso Faraceeda Garoowe.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Jaamacadda Boosaaso horumarka baaxadda leh ee samaysay isla markaana waxa uu urajeeyey in ay noqon doonto jaamacad wax-badan ka beddeli doonta casriyeynta waxbarasha Puntland.

Ugu dambayn Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dar-daarmay maamulka iyo barayaasha Jaamacadda Boosaaso in ay xil iska saaraan tayada aqoonta ee Jaamacadda si ay uga soo baxaan aqoonyahano waxbadan ka beddela mustaqbalka waddanka isla markaana noqda masuuliyiinta berrito.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

img_8154 img_8159 img_8160 img_8165 img_8166 img_8171 img_8173 img_8175 img_8177 img_8178 img_8179 img_8187 img_8191 img_8192 img_8194 img_8195 img_8203 img_8205 img_8209 img_8210 img_8213 img_8216img_8225 img_8227 img_8229 img_8232 img_8239 img_8242 img_8244 img_8245 img_8248

The post Madaxweynaha Puntland oo Garowe ka dhagax dhigay dhismeyaal muhiim ah appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>