Garowe (Puntland Post) Abaaro ba,an ayaa ka jira inta badan deegaanada Puntland , waxaaana soo food saartay dadka iyo duunyada ku nool dhulka baadiyaha biyo la,aan iyo baad la,aan ka dib markii ay biyihii ka dhamaadeen warooyinkii ay ku keydsan jireen iyo ceelashii la gaari karey.
Deegaano dhaca Hawd-ka ,Caduunka ,iyo Ayaxda Gobolka Nugaal ayaa laga soo sheegayaa abaar halis ah oo ka jirta,, waxaana biyo laga waayay dhamaan harooyinkii biyuhu ugu jireen iyo ceelashii la gaari karey, mana jirto cid wali u gurmatay abaarta xoogan ee ka jirta Puntland.
Waxayna kusoo beegmatay abaartu xilli saddexdii sano ee lasoo dhaafay ay yaraayeen roobabkii ka da,ay Gobolka Nugaal, Gobolka Bari,Gobolka Sanaag iyo Gobolka Mudug , Sidoo kalena aysan jirin xoolo u dhoofay reer miyiga ciidii dhawayd ee carafo oo xoolaha ay ku nool yihiin reer miyigu loo iibgeyn jiray Wadamada Carabta ee Khaliijka.
Dadka ku xeel dheer odoroska xilli roobaadka ayaa sheegaya in la joogo xilligii la fili jirey inay Soomaaliya ka da,aan roobabka Dayrta, wallow iminka laga dareemayo cirka kicin madaama lagu jiro xilli aad u kulul.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST.
The post Abaaro iyo biyo la,aan ka jirta deegaanada Puntland appeared first on Puntland Post.