Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Maamulka Godobjiraan oo waxbarasho ka bilaabay tuulooyinka

$
0
0

Garowe (Puntland Post):- Gudoomiyaha Degnada Godobjiraan Yuusuf Maxamed Faarax ayaa maanta ka yagleelay tuulada Godob-caduun oo ka mid ah tuulooyinka hoosyimaada maamulkiisa fasalka 1aad ee dugsiga hoose kaas oo markii ugu horeysay lagu bilaabay 35 caruur ah oo ku nool tuuladaas

Godob-caduun ayaa 30 Km u jirta magaalada Godobjiraan oo ka tirsan Gobolka Nugaal, Wuxuuna gaarsiiyay Gudoomiye Yuusuf Maxamed Faarax agab waxbarasho oo qeyb ka noqonaya bilowga iskuulka tuulada Godobcaduun.

Waxaana ka mid ah agabka uu halkaas geeyay maamulka degmada Godobjiraan Kuraas,Miisas,Buugaag,Qalimaan,Sabuurado iyo Macalimiin loogu tala-galay inay muddo lix bilood ah wax baraan  caruurta halkaas ku nool.

Sidoo kale Gudoomiye Yuusuf Geesa-weyne ayaa ka dhagax dhigay tuulada Godob-caduun goob loogu tala-galay mustaqbalka dhow in Iskuul waxbarasho looga dhiso tuulada Godob-caduun oo ka mid ah tuulooyinka waaweyn ee dad badan ku nool yihiin oo hoosyimaada Maamulka Degmada Godobjiraan ee Gobolka Nugaal.

Wuxuuna ugu baaqay Gudoomiyaha Degmada Godobjiraan Wasaarada Waxbarashada Puntland, Jaaliyadda Dibada Ku nool iyo Hay,addaha Samafalka inay gacan ka geystaan dhismaha xarun waxbarasho oo loo helo caruurta ku nool tuulada Godob-caduun.

img-20160925-wa0000 img-20160925-wa0001 img-20160925-wa0002 img-20160925-wa0003 img-20160925-wa0004 img-20160925-wa00051 img-20160925-wa0006 img-20160925-wa0007 img-20160925-wa0008 img-20160925-wa0009 img-20160925-wa0011 img-20160925-wa0013 img-20160925-wa0014 img-20160925-wa0015Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Maamulka Godobjiraan oo waxbarasho ka bilaabay tuulooyinka appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>