Garowe (Puntland Post):- Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Dowladda Puntland Maxamuud Xasan Soocadde ayaa Maanta sheegay inuu iska casilay xilkii, Islamarkaana uu u gudbiyay Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas warqadiisa iscasilaada.
Wasiirka oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta inuu xilkan uga tagay duruufo qoys oo isaga u gaar ah wuxuuna sheegay inuu ka aqbalay Madaxweyne Cabdiwali Gaas iscasilaadiisa.
Wuxuu uga mahadceliyay Soocade wada shaqeyntii soo dhex martay Madaxweynaha Puntland, Madaxweyne Kuxigeenka iyo Qeybaha kale ee Dowlada Puntland.
Maxamuud Xasan Soocade ayaa kasoo qabtay Xukuumada Madaxweyne Cabdiwali gaas xilka uu maanta iska casilay iyo Wasaarada Ganacsiga waxaana lagu xasuusan doonaa khilaaf ,waxqabad la,aan iyo hadalo aan u fiicnayn sumcada dowladnimada oo uu adeegsan jiray xilliyada uu ka hadlayo warbaahinta.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Wasiirka Warfaafinta Puntland oo maanta iscasilay appeared first on Puntland Post.