Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wasaarada Deegaanka Puntland oo tababareysa Ilaaliyaasha Deegaanka

$
0
0

Garowe (Puntland Post):- Wasaaradda Deegaanka,Ilaalinta Duurjoogta iyo Dalxiiska Dowlada Puntland ayaa maanta tababar uga furmay magaalada Garowe ilaaliyayaasheeda deegaanka,wuxuuna qeyb ka ahaa tababarkan kuwo kor loogu qaadayo xirfada shaqo ee shaqaalaha Wasaarada, Iyadoona loo qabtay 42 ka mid ah Ilaaliyaasha deegaanka Wasaaradda oo ka kala yimid Gobolada Puntland.

Agaasimaha Waaxda Shaqada Shaqaalaha iyo Tababarada Wasaaradda Deegaanka Axmed Maxamuud Axmed ayaa faahfaahin ka bixiyey u jeedada tababarkaan, wuxuuna sheegey inuu yahay mid qeyb ka noqonaya sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta iyo kartida shaqaalaha Wasaaradda Deegaanka ee Gobolada Puntland.

Nakuuro oo ka socday Hay,ada Care oo taageero ka gaysanaysa mashruucan ayaa sheegay in ilaalayayaashu deegaanku yihiin kuwa ugu muhiimsan shaqaalaha Wasaaradda, wuxuuna sheegey in  hay,ada Care International ay kala shaqayso Wasaaradda deegaanka mashruuca DEEGAANKU WAA NOLOSHAADA.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Duurjoogta Puntland Muno Daahir Dalmar oo si rasmiya u furtay tababarkan ayaa sheegtay inuu ka danbeeyo tababarkan dhowr kale oo Wasaaradeedu kor ugu qaadayso kobcinta shaqaalaha .

Waxa ay sheegtay Muno Daahir Dalmar in ilaaliyaasha deegaanku yihiin laf dhabarta Wasaaradda, Iyadoona sheegtay inay ku rajo qabto sidii ay uga miro dhalin lahaayeen dadaalka Wasaaradu ugu jirto badbaadinta deegaanka.

Sawirro.

vlcsnap-2016-09-26-16h36m09s124 vlcsnap-2016-09-26-16h35m24s186

dscn5835 dscn5836 dscn5840 dscn5842 dscn5843 dscn5845dscn5845  dscn5847 dscn5848 dscn5850 dscn5851 dscn5853 dscn5854 dscn5856 dscn5858 dscn5859 dscn5860 dscn5861 dscn5863  Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Wasaarada Deegaanka Puntland oo tababareysa Ilaaliyaasha Deegaanka appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>