Ciidamada Dowlada soomaaliya ayaa Maanta Howl-galo ka sameeyay Gudaha suuqa bakaaraha ee Magaalada Muqdisho iyo sidoo kale goobaha ku teedsan.
Ciidamada ayaa la sheegay in ay aad ubuux dhaafiyeen Xaafadaha Degmooyinka Warta nabada iyo Howlwadaag waxa ayna halkaasi ku soo qab qabteen Dad kala duwan.
Raga baaritaanka waday ayaa guryaha gudaha ugelayay waxaana la sheegay in ay qabteen Dad aad ufara badan.
Warbaahinta Dolwada ayaa daabacday in Suuqa Bakaaraha Ganacsigiisa Hakad la geliyay si kooban islamrakaan Dadkii la qabtay ay ciidamadu ku howlan yihiin kala soocooda.
Howlaha Baaritaanka ah oo ay wadaan ciidamada dowlada soomaaliya ayaana Hakad geliyay ganacsiga waxbarashada iyo isu socodka Gaadiidka wadada Wadnaha ee Muqdisho.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho
The post Ciidamada AMISOM iyo Kuwa Dowlada oo Hakad Galiyay Ganacsiga Suuqa Bakaaraha appeared first on Puntland Post.