Dooda oo socotay muddo 90 daqiiqo ah ayaa waxaa diiradda lagu saarayay dhaqaalaha, canshuurta, Siyaasada Arrimaha dibada. xiriirka u dhexeeya dadka madowga iyo caddaanka ah ee Mareykanka iyo arrimaha Amniga.
Clinton ayaa Trump ku eedeysay in uusan ka war qabin wacyiga jira oo uu ku nool yahay duni isaga u gaar ah islamarkaana uu diiday in uu shaaciyo canshuur celintiisa, halka Trump uu Clinton ku eedeeyay in aysan la hayn kartida ay ku noqon karto madaxweyne.
Doodan waa tii ugu horreysay seddax dood oo dhexmeri doonta labada musharraxa ka hor inta codbixiyayaasha Maraykanka aysan codkooda dhiiban 8 bisha Nofeember.
PUNTLAND POST
The post Clinton iyo Trump oo Dood kulul Dhexmartay appeared first on Puntland Post.