Garowe (Puntland Post):- Waxaa lagu qabtay galinkii danbe ee maanta magaalada Garowe,Dood cilmiyeed ku saabsan Yaa ku haboon hogaaminta Soomaaliya sanadka 2016 ilaa `2020 ? iyo sida loo heli karo doorasho hufan oo uu ka dhasho hogaamiye wanaagsan, dood cilmiyeedkan oo ay qabatay Hay,adda Astaynta maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa Puntland waxaa kasoo qeyb galay Siyaasiin, Xildhibaano, Aqoonyahano, Culimo, Xubno ka socda guddiga doorashada dadban ee Puntland iyo Ardeyda Jaamacadaha.
Ujeedada looga gol lahaa dood cilmiyeedkan ayaa ahayd sidii ummada loola wadaagi lahaa muuqaalka uu leeyahay hogaamiyaha soo socda iyo sidii loo heli lahaa doorasho xalaal ah oo ka dhacda Soomaaliya kana duwan doorashooyinkii hore .
Agaasimaha Hay,adda Astaynta maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa Puntland Cabdiraxmaan Cali Guureeye ayaa sharaxaad ka bixiyay muhiimiyadda ay leedahay in la helo hogaan wanaagsan oo ku shaqeynaya maamul wanaag dhab ah iyo sidii ay ugu imaan lahayd doorashada soo socota sifo wanaagsan oo ay ka muuqato hogaamin ku qotonta maamul wanaag
Waxa uu sheegey Cabdiraxmaan Cali Guureeye in loo dooro ummada Xildhibaano matali kara, kuwaas oo loo marayo xulistooda iyadoo laga eegayo dhinaca Aqoontooda iyo Kartidooda, wuxuuna sheegey haddii ay yimaadaan kuraasta baarlamanka dad lagu soo xulay qaab noocaas ah inay suurto galin doonaan inay doortaan Hogaamiye qiimo leh.
Cabdiraxmaan Cali Guureeye ayaa kula balamay Xildhibaanada la doorto inay ka fogaadaan wax walba oo mugti galin kara kalsoonida shacabka,Wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay hogaamiyaasha cusub ee soo socda inay ka bedelnaan doonaan kuwii horre.
Agaasimaha Hay,adda Astaynta Maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa Puntland ayaa balan-qaaday inuu xafiiskiisu siin doono mudanayaasha labada aqal ee Soomaaliya tababaro aqoontooda kor loogu qaadayo kuwaas oo ay ka mid yihiin qaabka hogaaminta wanaagsan , xalinta khilaafaadka, wanaajinta xiriirka dadweynaha IWM.
Sidoo kale waxaa ka mid ahaa dadkii ka hadlay dood cilmiyeedka Maxamed Cabdi Yuusuf oo Raysal wasaare horey usoo noqday, Muddo dheerna ka mid ahaa baarlamanka Soomaaliya ,wuxuuna carabka ku dhuftay in la joogo waqtigii laga gudbi lahaa qabiilka,loona gudbi lahaa qaranimo iyo Soomaalinimo.
Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka qeyb galay dooda ayaa ku dheeraaday qiimaha ay leedahay cadaaladdu iyo sida loogu baahan yahay in la helo hogaamiye ku adag Amaanada, Islamarkaana u cadaaladd fala ummadda.
Waxaa kale oo ka hadlay Aqoonyahano iyo Masuuliyiin kala duwan oo xilal sare kasoo qabtay Puntland iyo Soomaaliya, waxayna dhamaantood qireen in loo baahan yahay in la helo xulitaan dhab ah oo ka fiirsi leh si loo helo hogaamin wanaagsan oo dadka iyo dalkaba kusoo dabaasha maamul wanaag.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Yaa ku haboon hogaaminta Soomaaliya 2016 ? dood cilmiyeed Garowe appeared first on Puntland Post.