
Garowe (Puntland Post):- Waxaa galinkii danbe ee maanta ka qabsoomay magaalada Garowe xaflad lagu shaaciyay musharaxnimada Sureer Abshir Muuse oo horey Dowladii dhexe ee Siyaad Barre kasoo noqotay Safiir u fadhiya dalka Ingiriiska, Waxayna maanta si rasmiya ugu dhawaaqday Ambasador Sureer Abshir Hamaan inay u sharaxan tahay xubin aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya sanadka 2016-ka.
Kulan Sureer Abshir ku shaacinayso musharaxnimadeeda ayaa waxaa kasoo qayb-galay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Puntland,Xubno baarlamaan ah oo ka socday Dowladda Federalka,Wasiirka Haweenka Puntland,Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliya,Odayaal dhaqameed, Haween, Aqoonyahano,Dhalinyaro iyo Marti sharaf kale.
Sureer Abshir Muuse oo u taagan aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya waxay soo bandhigtay taariikh nololeedkeeda,waxqabadkeeda iyo waxyaabaha ay dalka u qaban doonto hadii ay ku guulaysato kursiga baarlamaanka Soomaaliya.
Sureer ayaa wax kusoo baratay dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska,waxayna baratay culuumta cilmiga bulshada iyo xiriirka caalamiga ah,Iyadoona ku hadasha luuqadaha kala ah Afsoomaali,English,Talyaaniga iyo Faransiis.
Sanadkii 1986-dii waxay noqotay safiir kuxigeenkii Soomaaliya ee London,waxayna gacan ka geysatay hirgalintii dugsiga sare ee Degmada Eyl ee Gcbolka Nugaal iyo barnaamijyo kale oo dalka lagu hormarinayo, waana musharax haatan u taagan inay ka mid noqoto aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Daawo muuqaal Khudbada Musharax Sureer Abshir
Xildhibaan Liibaan Cabdulaahi oo kamid ah baarlamaanka Puntland ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo musharaxnimada Sureer Abshir Muuse waxaana uu intaa raaciyey inay tahay qof u qalanta inay Puntland u matasho aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Wasiirka horumarinta Haweenka iyo arimaha qoyska Puntland Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin oo kulanka ka hadashay ayaa hambalyo u dirtay Sureer Abshir Muuse, waxayna sheegtay inay Wasaaradeedu mar walba garab taagan tahay haweenka u tartamaya aqalka Baarlamaanka Soomaaliya, Iyadoona sheegtay Sureer inay kasoo bixi karto xilka ay u sharaxan tahay.
Daawo Sawirro.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Sureer Abshir Muuse oo Garowe uga dhawaaqday Musharax Xildhibaan Soomaaliya appeared first on Puntland Post.