Qarax Ismiidaamin ah Ayaa Goordhow ka dhacay Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Soomaaliya , Qaraxaan ayaa waxa uu ka dhacay meel aan sidaasi uga fogeeyn Xarunta Taalada Xaawo-Taako Ee Magaalada Muqdisho.
Gaari waxyaabaha qaraxa laga soo Buuxiyay ayaa waxaa lagu qarxiyay Goob Maqaaxi Ah oo Ay dadka ku Cunteeyaan oo ku yaala Meel Aan sidaasi uga Fogeeyn Tiyaaatarka Qaranka Muqdisho.
Qasaaraha ka dhashay Qaraxaasi ilaa iyo iminka si rasmi ah looma xaqeejin Goobjoogayaal ayaa inoo Xaqiijiyay in ay Jiraan Dad badan oo ku Waxyeeloobay.
Wali Waxaa la arkayaa uurada qaraxa waxaana qaraxaan si weeyn looga maqlay Guud ahaan Magaalada Muqdisho.
Kala soco faahfaahinta Puntland Post
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho
The post Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.