Faah Faahino Dheeraad ah ayaa ka soo baxeeyso qasaarihii ka dhashay Qarax ismiidaamin ah oo Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Qaraxaan ayaa ka dhacay Maqaaxi ay isugu yimaadaan dadka qurbo joogta ah iyo Dadka kale ee Magaalada Muqdisho oo layiraahdo Blue Sky oo ku taala Nawaaxiga Taaladii Xaawo Taako Ee Magaalada Muqdisho.
Inta la xaqiiijiyay Labo qof ayaa ku dhimatay 4-qof kalana way ku dhaawacantay Qaraxaasi oo Dhacay Duhurnimadii Maanta.
Gaariga qarxay ayaa la sheegay In uu yaalay Maqaayada Blue Sky Horteeda waxaa jira dad ku dhaawacmay qarxaas oo shacab u badnaa oo xiligaas ku sugnaa Maqaayada.
Masuuliyiin katirsan dowlada Somalia ayaa Soo Gaaray Goobta qaraxaasi uu ka dhacay kuwaasi oo la hadlay Warbaahinta.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cabdi Fitaax Cumar Xalane ayaa warbaahinta u sheegay in Qaraxaasi aanu u dhicin Sidii Ay u rabeen kooxihii fuliyay
Hoos ka daawo Sawirada.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho
The post Faah Faahin qarixii Maanta ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.