Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Al-Shabaab oo Soo Bandhigtay Askari Kenyan Ah oo Gacanta ugu jiro

$
0
0

Al-shabaab ayaa soo bandhigtay Muuqaal Video ah oo ka soo muuqday Askari u dhashay dalka Kenya oo Shabaab ay gacanta ku hayaan, kaasi oo lagu qabtay dagaalkii xooganaa oo  ay ku qaadeen Saldhiga Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo.

David Ngugi Wataari, ayuu ku sheegay Magaciisa Askarigaan kenyaantiga ah , waxaana uu ka tirsanaa Guutada 120-aad ee ciidanka Difaaca dalka Kenya, gaar ahaan Guutada Madaafiicda wuxuuna kamid ahaa tiro askar ah ay al-shabaab ku qabteen weerarkii qorshaysanaa ee bishii Junuary ay ku qaadeen deegaanka Ceel-cadde.

“Waxaan idiin soo gudbinayaa fariintan anigoo codsanaya taageeradiina. Waxaa gacanta igu soo dhigay Al-Shabaab, welina waxaan ku jiraa jeelkooda. Xuriyadeyda waxay ku xiran tahay sidaad ii garab istaagtaan ka qoys ahaan. Waxaan idinka codsanayaa in aad u tagtaan hogaamiyeyaasha dowlada, oo aad u sheegtaan in wiilkiina ay gacanta ku dhigtay Al-Shabaab xilli uu dowladda Kenya uga howlgalayey Soomaaliya, kana codsada taageero walba oo ay idiin fidin karaan”, ayuu yiri David Ngugi Wataari.

Xarakada Al-shabaab ayaa  dhawaan soo bandhigtay Askari Maxbuus ah oo u dhashay dalka Uganda oo lagu magacaabo Masassa M.Y, kaasoo sanad ka hor lagu qabtay dagaalkii xooganaa  ee ka dhacay deegaanka Jannaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Waa Askarigii labaad oo Kenyan ah oo ay soo bandhigaan Al-Shabaab, isbuucii hore ayay ahayd markii ay soo bandhigeen Askari kale oo Kenyan ah.

askari-1 askari-2 askari-3

PUNTLAND POST

The post Al-Shabaab oo Soo Bandhigtay Askari Kenyan Ah oo Gacanta ugu jiro appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>