Gaalkacyo (Puntland Post):- Wasiirka Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska Dawlada Puntland Dr. Cali Cabdullaahi Warsame ayaa maanta booqasho ku tagay isbitaalka guud ee gobolka Mudug oo bur bur xoog leh uu kasoo gaaray 21-kii August markii Gawaari Qaraxyo laga buuxshay lagu weeraray xarunta dawlada Hoose ee Degmada Gaalkacyo oo aan sidaas uga fogeyn halka uu ku yaalo isbitaalka Gaalkacyo.
Dr. Cali Cabdullaahi Warsame ayaa mid mid usoo booqday bukaanada kujira isbitaalka guud ee Gobolka Mudug wuxuuna ka dhagaystay warbixino kusaabsan xaalada Isbitaalka Takhaatiirta Iyo Maamulka Isbitaalka.
Wasiirka ayaa kusoo arkay Isbitaalka Gaalkacyo burbur iyo dhibaato xoogleh oo kazoo gaartay qaybaha kala duwan ee Isbitaalka Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee Gaalkacyo.
Qeybaha sida gaarka u burburay waxaa ka mid ah qeybta qaliinka guud, Bangiga Dhiiga, Kaydka tallaalada, Qolalka Meydka iyo Meelo kale oo ay ku jiraan qaybta Kuliyada caafimaadka ee Gobolka Mudug oo ku dhextaala Isbitaalka guud ee Gaalkacyo.
Takhaatiirta iyo Maamulka Isbitaalka ayaa u sheegey Wasiir Cali Cabdulaahi Warsame in dib loo hagaajiyay qeybo kale oo ka burburay Isbitaalka kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Kaydka wayn ee isbitaalka, Qaybta bukaan socod eegtada, Qaybta gargaarka degdeg ah iyo Shaybaarka Isbitaalka oo iminka dib shaqadooodii u bilaabmatay halka la wado dhismahooda qeybo kale oo ku yaala Isbitaalka Gaalkacyo.
Wasiirka Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska Puntland oo intaas kadib saxaafadda la hadlay ayaa ka sheekeeyey taariikhda isbitaalka guud ee gobolka Mudug oo uu sheegey in muddo hal qarni ah loogu adeegayay bulshada Soomaaliyeed.
Wuxuuna sheegay in adeegyada isbitaalka Gaalkacyo bukaanada qaarkood uga yimaadaan wadamada Deriska oo qaliimo culus loogu sameeyo , Isagoona u mahadceliyay Dr. Cali Cabdullaahi Warsame jaaliyadaha dibada iyo dadka gudaha ku nool ee soo taageeray isbitaalka.
Wasiir Cali Cabdulaahi ayaa ugu baaqay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed inay kaalin ka geystaan dib u dhiska Isbitaalka , wuxuuna ka codsaday inay si dhow ula shaqeeyaan guddiga loo xilsaaray dhismihiisa.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Wasiirka Deegaanka Puntland oo soo arkay burburka Isbitaalka Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.