Qabya qoraalka datuurkan dowlad gobooledka Hiiraan iyo Sh-dhexe oo ka kooban 7 cutub ayay guda galeen aqrintiisu ergada shirka dhismaha dowlad goboleedka.
Qabya qoraalka ayaa waxa ku jira cutubya muhiim ah o ka hadlaya astaanta maamulka, xuduudihiisa iyo nidaamka uu ku shaqeynayo Dowlad goboleedka loo dhisayo Hiiraan iyo Sh/dhexe.
Xoghayaha Joogtada ah ee wasaarada arimaha gudhaa iyo federaalka oo shirkan daadihinaysa Pro YAxye Cali Ibraahim ayaa sheegay in qorshuhu yahay in todobaadkan lagu soo dhameeyo shirka ergada ay ku ansixinayan qabya qoraalka dastuurka.
‘’ Maanta waxa si toos ah u bilowday aqrinta qabya qoraalka dastuurka dowlad goboleedka Hiiraan iyo Sh-dhexe waxaan rajaynaynaa inay bilaabato barrito dooda qabya qoraalka dastuurka ee ergooyinka insha allah waxaana na soo gaari doono wafdi qaran oo ka socdo hay’adaha madaxa banana ee dalka kuwaas oo la soconaya dastuurka doodiisa’’
Xoghayaha Joogtada h ee wasaarada arimaha gudaha ayaa dhanka kale tilmaamay in shirka ergado uu barbar socdo xulista xildhibaanada dowlad goboleedka Hiiraan iyo Sh-dhexe sabtiga soo aadan ay rajadu tahay inay bilaabato dhaarinta xildhibaanada haduu eebada idmo.
‘’ waxaan jecel nahay insha allah in sida jadwalku yahay ay howsha noogu socoto shirka ergada waxaa barbar socdo xulista xildhibaanada waxaana rajaynaynaa in sabtiga dambey aan bilowno dhaarinta xildhibaanada Barlamaanka Hiiraan iyo Sh/dhexe
PUNTLAND POST
The post Ergada shirka Jowhar oo bilaabay aqrinta dastuurka dowlad goboleedka Hiiraan iyo Sh/dhexe appeared first on Puntland Post.