Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22750

Hay’adda Culimada oo ka digtay qoondada haweenka ee Baarlamanka Soomaaliya

$
0
0

Muqdisho (Puntland Post):- Hay’adda culimada Soomaaliyeed ayaa walaac ka muujisay qoondada boqolkiiba sodonka ah, ee haweenka laga siiyay saami qaybsiga baarlamanka la dhisi doono todobaadyada foodda nagu soo haya.

Culimada ayaa sheegay in ay tahay in si siman rag iyo haweenba loogu tartamo kuraasta baarlamanka intii cid gaara meel laagu xiri lahaa.

Shir jaraa’id oo ay culimadu ku qabatay magaalada Muqdisho, waxa ka qabgalay madax dhaqameed iyo salaadiin.

Waxaa lugu muujiyay shirka jaraa’id ee culimada inay shaki badan ka qabaan hannaanka awooda dheeradka ah lugu siinayo baarlamaanka oo ay ku sheegen mid aan ka jirin dunidda kale.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, oo ah afhayeenka hay’adda culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in loo baahan-yahay tallaabo walba oo la qaadayo in mar ka hore dib loo eego waxa ay diintu qabto.

“Walaaca aan ka qabno -wuxuu yahay annaga dad muslim ah baan nahay,waxaana muhiim ah inan tallaabo walba marka aan qaadeyno eegno waxa ay diintu ka qabto,”ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud.

“Islaamku dumarka qorshu u sameeyay -waa warshad bini’aadamka soo saarta oo madaxda tarbiyeesa,howl gaar ah ayey leeyihiin -Siyaasadda meelaha waa weyn looguma tala-galin inay fadhistaan,waxaaa tuhunsanahay qorshe dad aan diin lug ku leheyn oo doonaya inay na dumiyaan inay wataan,”ayuu ku darey hadalkiisa afhayeenka hay’adda culimada Soomaaliyeed.

Walaaca hay’adda culimada Soomaaliyeed ayaa ku soo aadaya xilli muddo dhow la filayo in la soo xulo xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka,waxaana soo baxaya baaqyo ka imaanaya beesha caalamka oo ku aadan in la dhowro qondada ay ka helayaan baarlamaanka dumarka.

PUNTLAND POST

The post Hay’adda Culimada oo ka digtay qoondada haweenka ee Baarlamanka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22750

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>