GAROWE (Puntland Post):- Munaasabad lagu maamusayay sannad guuradii Koowaad ee kasoo wareegtay Aas-aaska Muqaal baahiyaha Jubbaland TV ayaa maanta lagu qabtay magaalo madaxda Puntland ee Garowe.
Xafladda oo lagu qabtay xarunta PDRC, waxaa kasoo qayb galay, Xildhibaano, Agaasimayaal, maamulka gobolka Nugal, siyaasiyiin, waxgarad, dhalinyaro iyo haweenka, kuwaasoo hambalyo u diray TV-ga.
Agaasimaha Jubbaland TV ee Puntland, Axmed Cawil Jaamac ayaa kasoo qayb galayaasha kulankaasi faah faahin kasiiyay waxyaabihii u qabsoomay muddo sannad ah oo Telefishinku ka howl galayay deegaanada Puntland.
Axmed, ayaa xusay inay muhiimadda siiyeen barnaamijyada waxtarka u leh bulshada, isagoo xusay inay warbixino iyo muuqaallo kasoo sameeyeen deegaanada fog fog ee ay adag tahay in la helo xogta shacabka, wuxuuna tilmaamay in siyaasadooda gundhig uga dhigeen inaysan baahin warar xambaarsan dhiilo iyo isku dirka shacabka Somaliyeed ee colaaddu daashatay.
Wuxuu intaasi ku daray inay door weyn kasoo qaateen abaaro ka dhacay deegaanada Puntland iyo u gurmasho loo sameeyay dad tabaalaysan, isagoo xusay inay jiraan qorshayaal kale oo u dagan kuwaasoo ay ku dhaqaaqi doonaan mustaqbalka dhow.
Agaasimaha, ayaa u mahadceliyay dhammaan dadkii kasoo qayb galay munaasabadda iyo shirkadda Golis oo ka qayb qaadatay qabsoomiyadda dabaal daggan TV-ga.
Dhinaca kale qaar kamid ah bahda warbaahinta sida; Guddoomiyaha ururka MAP Faysal Khaliif Barre, Burhaan Axmed Daahir, Yacquub Maxamed Cabdalla, ayaa si wadajir ah u qiray in TV-gu mudadii uu jiray ku tallaabsaday hormar baaxad leh, waxayna sheegeen in mustaqbalka dhow noqon doono midka ugu afdheer, muqaal baahiyaasha Somalia.
Maxamed Faarax Ciise Gaas iyo Luul Feero-yare oo kamid ah xubnihii ka hadlay madasha islamarkaana si joogta ah daawada muuqaaladdiisa, ayaa goobta ka sheegay qaar kamid ah barnaamijyada TV-ga oo ay sheegeen inay kaga duwanyahay kuwa kale ee ka howl gala dalka Somalia, waxayna sheegeen in loo diyaariyo qaab wanaagsan oo xirfadaysan.
Agaasimaha Dhalinyarada iyo cayaaraha Puntland Axmed Cabdalla Tigaana iyo Guddoomiyihii hore gobolka Mudug Maxamed Yusuf Jaamac Tigay, oo hadal kooban xafladda ka jeediyay, ayaa qiray in tubta uu ku socda Jubbaland TV hadii lagu sii wado gaari doono meel cajiib ah.
Guddoomiyaha gobolka Nugal Cumar Cabdullaahi Faraweyne, ayaa sheegay in Jubbaland TV qaybta Puntland waxqabad ballaaran ka sameeyay gobolka Nugal, wuxuuna ku dhiirigaliyay in howsha lasii wado islamarkaana loo shaqeeyo bulshada.
Xildhibaan Saciid Cabdi Samatar Surcad oo soo xiray munaasabadda, ayaa sheegay in warbaahintu tahay awoodda Afraad ee dal walba, wuxuuna soo jeediyay in sida wanaagsan looga faa’iidaysto.
Hambalyo ballaaran ayuu u diray dhammaan shaqaalaha iyo howl wadeennada Jubbaland TV meel kasta oo ay joogaan, wuxuuna ku dhiirigaliyay inay shaqada sii wadaan.
Waxaa xusid mudan in xafladda lagusoo bandhigay muqaal ka hadlaya waxqabadka TV-ga qaybtiisa Puntland, riwaayado iyo heeso kala duwan kuwaas oo ay sameeyeen kooxda waabari Puntland.
Dabaal daggan ayaa yimid xilli muddo sannad ah Talefishinka Jubbaland hawada ku jiro isagoo mudadaas sameeyay waxqabad muuqda oo ay soo dhaweeyeen shacabka Somaliyeed.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Sannad guurada Jubbaland TV oo Garowe lagu qabtay appeared first on Puntland Post.