Garowe (Puntland Post):- Waxaa maanta ka bilowday Gobolladda Puntland banananbaxyo roob doon ah ka dib markii ay ku baaqday todobaadkii horre Wasaaradda Cadaalada iyo Awqaafta Puntland , waxaana ka qeyb galay Isku soo bax roob doon ah oo subaxnimadii horre ee maanta ka qabsoomay magaalada Garowe Madaxweyne kuxigeenka Dowlada Puntland Eng Cabdixakiin Cabdulaahi Camay, Madaxweynihii horre ee Puntland Dr Cabdiraxmaan Faroole, Wasiiro, Xildhibaano, Culimo,Issimo iyo Dadweyne fara-badan.
Culimada,Issimada iyo Masuuliyiinta ka qeyb gashay Banaan baxa roob doonta ee maanta ka qabsoomay Garowe ayaa alle ka baryay inuu u shubo raxmadiisa cirka kazoo hoorta Islamarkaana ka dulqaado abaarta baahsan ee ummadiisu la daalaa dhacayso.
Galinkii horre ee maanta intii uu socday banaan baxan roobdoonta ah waxaa albaabada loo laabay guud ahaan-ba xarumaha ganacsiga, Iskuulada iyo Xafiisyada Dowlada ee ku yaala magaalo madaxda Puntland ee Garowe.
Wuxuuna kusoo beegmayaa isu soo baxani xilli meeshii ugu sareysay ay marayaan abaaro khatar ah oo ku dhuftay deegaanada Puntland iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.
Daawo Sawwirada Isu soo baxa.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Banaanbaxyo roobdoon ah oo maanta ka qabsoomay Puntland appeared first on Puntland Post.