Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22750

Wasiirka Deegaanka Puntland oo la kulmay guddiga dhismaha Isbitaalka Gaalkacyo

$
0
0

Gaalkacyo (Puntland Post):- Wasiirka Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska Dr. Cali Cabdullaahi Warsame ayaa maanta Magaalada Gaalkacyo kula kulmay gudiga dib u dhiska Isbitaalka guud ee gobolka Mudug oo ay ka wada hadleen sidii loo dar dargelin lahaa shaqooyinka gudigaas islamarkaasna loo habayn lahaa qorshaha gudiga ee ku saabsan dib u dhisida isbitaalka Gaalkacyo oo iminka aad u burbursan islamarkaasna aysan shaqayn qaybo badan oo kamid ah.

Prof. Maxamed Jaamac Salaad Gudoomiyaha gudiga dib u dhiska isbitaalka guud ee gobolka Mudug ayaa warbixin ka bixiyey xaalada Isbitaalka guud ee gobolka Mudug ku sugan yahay,wuxuuna sheegey in isbitaalku xaalad adag soo maray balse ay ku guulaysteen in dib loo dhiso qaybo kamid ah isbitaalka kuwaas oo ay ka mid yihiin qaybta dawada guud, Shaybaarka Isbitaalka, Hoolka shirarka ee Isbitaalka, Qaybta martida iyadoo imika uu dayactirku ka soconayo bandhiga Dhiiga, Qolalka Meydka iyo qaybo kale oo muhiim u shaqada Isbitaalka.

Gudoomiyaha Guddiga Isbitaalka ayaa u mahad celiyey guud ahaan Jaaliyada Soomaaliyeed iyo dadka gudaha oo uu sheegey inay taageero ka badan Boqol kun oo Dollar soo gaarsiiyeen.

Prof Maxamed Jaamaca ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay jaaliyada reer Puntland ee Leicester City oo dhawaan gudiga soo gaarsiisay lacag dhan $12,000 (Laba iyo Toban Kun oo Dollar) Masjidka Alhuda Garoowe iyo Jaaliyada Reer Puntland ee Welback Canada kuwaas oo soo kala gaarsiiyey lacag dhan  $3000 iyo $2840.

Prof Maxamed Jaamac Salaad wuxuu sheegey inay iminka qorshaynayaan in ay bilaabaan qorshihii labaad ee gudiga u yaalay Kaas oo ah in la qorsheeyo sidii loo bilaabi lahaa Dhismaha Isbitaal cusub oo lagu bedeli doono isbitaalka hadda jira.

Wasiirka Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta Iyo Dalxiiska Dr. Cali Cabdullaahi Warsame ayaa ugu dambayntii u mahadceliyey gudiga dib u dhiska Isbitaalka guud oo uu sheegey in mudadii koobnayd ee ay shaqaynayeen inay qabteen shaqo badan.

Wuxuuna sheegey in dawlada dhexe ee Puntland oo kaashanaysa Bulshada reer Puntland ay il-gaar ah ku hayn doonto xaalada Isbitaalka.

Dhanka kale Wasiirka ayaa sheegey in loo baahan yahay in la iska wada kaashado sidii loogu howlgali lahaa dhamaystirka qorshaha isbitaal cusub lagu samaynayo, Wuxuuna ku baaqay in jaaliyaduhu ka qeyb qaataan qorshahaas.

1 2 3 4 5 6 7Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Wasiirka Deegaanka Puntland oo la kulmay guddiga dhismaha Isbitaalka Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22750

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>