Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wasiirka Qorsheynta Puntland oo la kulmay saraakiil ka socota World Bank

$
0
0

Garowe (Puntland Post):- Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Dowlada Puntland Dr Shire Xaaji Faarax ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil ka socota bangiga adduunka oo qaabilsan tayaynta shaqaalaha dowlada,waxayna ka wada hadleen sidii shaqaalaha dowlada gaar ahaan wasaaradda qorsheynta dib u habayn loogu samayn lahaa iyo sidii loo heli lahaa shaqaale tayo leh oo kor u qaada howlaha Wasaaradda Qorsheynta oo Dowlada Puntland u qaabilsan xiriirka dibada iyo horumarinta dhaqan dhaqaale.

Kulanka labada dhinac oo socday saacado ayaa la isku afgartay sidii dib u hayn casriyeysan loogu samayn lahaa dhismaha haykalka Wasaaradda oo lala mid dhigayo sida ay u shaqeeyaan Wasaaradaha Qorsheynta Caalamka , Kaas oo la sheegey in looga talaabayo qaabkii horey Wasaaraddu ugu shaqeyn jirtay.

Masuuliyiinta Wasaaradda Qorsheynta iyo Saraakiisha ka socotay World Bank oo bilow u ahaa bilaabida wajiga labaad ee qorshaha tayaynta shaqaalaha Dowlada Puntland, Madaama uu soo dhamaaday wajigii 1aad ee qorshahani, waxayna isku afgarteen labada dhinac sidii loo guddo gali lahaa bilaabida wajiga 2aad ee qorshahani.

Daawo Sawirada.

img_3238 img_3240 img_3241 img_3243 img_3258 img_3259 img_3260 img_3261 img_3262Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Wasiirka Qorsheynta Puntland oo la kulmay saraakiil ka socota World Bank appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>