Garowe (Puntland Post):- Waxaa maanta lagu daahfuray magaalada Garowe Jadwalka doorashooyinka asxaabta badan ee Puntland , waxaana ka qeyb galay munaasabad lagu daahfurayo Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas,Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland Axmed Cali Xaashi, Guddiga Kumeelgaarka ee doorashooyinka ,Masuuliyiin ka tirsan Xukuumada iyo Baarlamanka Puntland.
Waxa uu dhigayaa jadwalka doorashooyinka ee ay soo bandhigeen Guddiga Kumeelgaarka ah ee doorashooyinka Puntland in la qaban doono dhammaadka bisha December ee 2017doorashada degmooyinka, halka lagu dhawaaqi doono saddexda Xisbi ee ku guulaysta bisha January ee Sanadka 2018, Waxaana la bilaabi doonaa dhammaadka sanadkan aqbalaada iyo qabashadda Xisbiyadda u tartamaya dowladaha Hoose.
Guddoomiye K/xigeenka Guddiga Doorashooyinka Kumeelgaarka ee Puntland ayaa sheegay in ujeedada barnaamijkani uu la xiriiro soo gudbinta Tubta Geedi socodka ee doorasashadda Puntland oo waqtiyaysan ,Sidii dalka looga bilaabi lahaa Nidaamka xisbiyadda badan iyo Sidii dadka reer Puntland looga saari lahaa nidaamka qabaliga ah, Islamarkaana loogu jihayn lahaa nidaamka xisbiyadda badan iyo doorasho hal qof iyo hal cod.
Wuxuu sheegay in guddiga doorashooyinka ay ka go’antahay hirgalinta iyo socodsiinta jadwalka tubta geeddi-socodka doorashooyinka Dowladda hoose ee Puntland. Waxaana uu ka codsaday dowladda puntland, Ururadda bulshadda rayidka ah iyo Beesha caalamka in gacan buuxda ay guddiga ka siiyaan sidii looga miro dhalin lahaa doorashadda Puntland.
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay kulankaan daahfurka ayaa sheegay in mudada labada sanno ee ka hartay waqtiga xukuumadiisa uu ku dadaali doono sidii lo fulin lahaa jadwalka doorashadda ee ay guddiga soo gudbiyeen.
Wuxuu sheegay haddii doorashadu ku qabsoomi waydo xiligi loogu talagalay inay xukuumadiisu ku dadaali doonto inay gaarsiiso meel dowladda xigta ay ka soo ambaqaado, balse uu rajaynayo in waqtiga u dhiman ay ku fuliyaan doorashadda.
“ Waxaad moodaa jadwalka sida aan hadda ku socono aanu ku socono waa dhib badnaanaysaa inaan dhamaystirno barnaamijka aanu ku talagalnay, markaa waxaanu u baahan nahay in waqti iyo dadaal badan galino, jadwalka ay soo bandhigeena guddiguna aanu ku dadaalno inay ku hirgalaan” ayuu yiri wuxuuna sii raaciyay
Bandhiga Tubta doorashooyinka ee Puntland waxaa kaloo taageeray Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi, Xafiiska Xuquuqul Insaanka Puntland iyo dalladda Ururada aan dowliga ahayn ee PUSAA .
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Garowe oo looga dhawaaqay jadwalka doorashada Puntland appeared first on Puntland Post.