Garowe (Puntland Post):- Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland oo kaashanaysay bahwadaagteeda ayaa maanta qabatay munaasabad lagu xusayay maalinta macalinka oo sanad walba ku beegan shanta Octobar.
Xaflad lagu qabtay xarunta wasaaradda waxbarashada ee magaalada Garowe ayaa waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiinta wasaaradda, hay’addaha ka shaqeeya arrimaha waxbarashada, macalimiin iyo arday.
Wasiirka Waxbarashada Puntland Dr. Abshir Yuusuf Ciise ayaa sheegay Maclin-ku inuu yahay BarbaariyahaMaskada Bulshada soo kabcaysa,wuxuuna sheegay in Bank aduunk iyo Wasaaradda waxbaraashada ay u socdaan Wada hadalo ay filayaan inay kor ugu qaadayaan Musharaadka Macalimiinta Puntland.
Wasiirku Xigeenka waxbarashada Puntland Dr. Maxamed Cali Faarax ayaa sheegay wasaaraddu inay sanadihii ugu dambeeyay ku howlanayd dhinaca Tababarada macalimiinta, si xirfadooda kor loogu qaado, wuxuuna dhinaca kal u mahad celiyay macalimiinta Puntland ee ku shaqeeya darruufaha adag.
Wasaaradda waxbarashada ayaa mahad celin iyo hambalyo ujeedisay Ustaad Axmed Abuukar oo ah Macalinka ugu da’da weyn macalimiinta Puntland, kaasoo jeestada qaatay oo macalin noqoday sanadkii 1953. Ilaa haddana wuxuu yahay macalin, wuxuuna ka shakeeyay sida ay macalimiintu hormarinta dalka qeyb qaataan.
Daawo Sawiradda.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo xustay maalinta macalinka appeared first on Puntland Post.