Garowe (Puntland Post):- Wareysi uu maanta siiyay Puntland Post Agaasimaha Xafiiska maamul wanaagga iyo La dagaalanka Musuqmaasuqa dowladda Puntland Cabdiraxmaan Cali Guureeye ayuu saadaal wanaagsan uga muujiyay xubnaha labada aqal u matali doona Puntland Baarlamanka Soomaaliya doorashada 2016ka .
“Waxaa la isku raacay doorashadan dowlad iyo shacabba in wax lagu doorto qaab ka duwan sifihii hore,sababtoo ah waxaan doonaynaa qaab ka tayo wanaagsan,kana hufan sidii hore, Waxaan doonaynaa inay Puntland matalaan xubno la isku halayn karo oo ka wanaagsan kuwii hore, Waxaana wax ku dooranaynaa Ma u qalmaa Puntland inuu u noqdo mudane baarlamaan ? “Ayuu yiri Cabdiraxmaan Cali Guureeye
Wuxuuna intaas ku daray “Ma yahay shaqsi leh karti, aqoon, iyo hab dhaqan wanaagsan oo qiimo leh ? Hadaba shaqsiga la dooranayo waa mid ku imaanaya sifo waafaqsan rabitaanka Dowladda iyo Shacabkeeda,Wuxuu noqon doonaa shaqsi lasoo xulay oo ku yimid sifo merit based” Ayuu yiri Agaasime Cabdiraxmaan Cali Guureeye oo intaas sii raaciyay.
“Sida aad ka war haysaan Dowladda Puntaland aad bay uga hadashay inay ka go’an tahay in la joogo waqtigii doorashooyinka lagu salayn lahaa “Yaa ku habboon inay Puntand u matalaan heer Federal, Waana laga gudbay qof hebel iigu dar iyo magacaabis aan lasoo bixin sifo dowli ah “ Ayuu yiri Agaasimaha maamul wanaaga Puntland oo ku celceliyay
“Maanta waxaan u baahan-nahay Xildhibaan door wanaagsan ka qaata dib u dhiska Soomaaliya iyo Ilaalinta sharafta dowladnimada Soomaliya guud ahaan iyo gaar ahaan tan ummudda Puntland” Waxaan u baahan nahay Xildhibaan nadiif ka ah sifo walba oo baal marsan sharciga Dowliga ah , Waxaan u baahanahay Xildhibaan Wadani ah oo Puntlander ah oo door wanaagsan ka qaata dib u dhiska Ummadda Soomaaliyeed.
Ugu danbayntii wuxuu ku amaanay Guddiga doorashooyinka Puntland wacyi galinta ballaaran Agaasimaha maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa Puntland kuwaas oo uu sheegey in mudadii yarayd ee ay jireen inay soo bandhigeen howl karnimo iyo dadaal dheeraad ah.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Agaasimaha Astaynta iyo Maamul wanaaga Puntland oo rajo ka muujisay doorashada 2016 appeared first on Puntland Post.