Garowe (Puntland Post):- Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Puntland oo ay wehliyaan haweenka musharaxiinta ee u tartamaya kuraasta aqalada Baarlamanka Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Garowe Erygayga gaarka ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating iyo Issimada Puntland.
Kulankan laba geesoodka ayay ugala hadleen haweenku Danjire Micheal Keating iyo Issimada arrimo ku saabsan geedi socodka guud ee doorashada la filayo inay ka qabsoonto 2016 dalka Soomaaliya, Nabadgalyada Dalka iyo Qoondada haweenka.
Wasiirka Haweenka Puntland Drs Aniso Xaaji Cabdulqaadir Muumin iyo Haweenka u sharaxan aqalka baarlamanka Soomaaliya ayaa si gaar ah ugala hadlay Ergeyga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya xaqiijinta qoondada haweenka Puntland ku leeyihiin kuraasta Xildhibaanada Dowlada Soomaaliya.
Wuxuuna u sheegay danjire Micheal Keating inay ku leeyihiin haweenka Puntland kuraasta labada aqal ilaa 15 kursi, Wuxuuna ku amaanay Danjire Keating Wasaaradda haweenka iyo dowlada Puntland shaqada wanaagsan ee ay hayaan.
Dhinaca kale Wasiir Aniso Cabdulqaadir iyo Haweenka Musharaxiinta ah waxay la kulmeen Issimada Puntland oo ay kala hadleen arrimo ay ka mid yihiin geedi socodka guud ee doorashada, Nabadgalyada dalka iyo Meel marinta qoondada haweenka..
Waxayna Issimadu u sheegeen haweenka ay la kulmeen inay ku dadaalayaan meel marinta haweenka qoondadooda, wallow ay ku cududaarteen Issimadu in 51 qof kala saarayaan Musharaxiinta u tartamaysa aqalka hoose ee baarlamanka Soomaaliya.
Isku soo wada duuboo Shirarkan ayaa qeyb ka ah kulamo xasaasiya oo ka soconaya magaalada Garowe kuwaas oo loogu gogol xaarayo doorashada labada aqal ee baarlamanka Soomaaliya .
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Issimada iyo Keating oo maanta la kulmay haweenka Puntland appeared first on Puntland Post.