Garowe (Puntland Post):- Musharax Jibriil Ibraahim Cabdule oo ah musharax u taagan Madaxweynaha Soomaaliya 2016 ayaa maanta si balaaran loogu soo dhaweeyey Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowladda Puntland.
Waxaa garoonka diyaaradaha Kanooko kusoo dhaweeyey Musharax Jibriil Cabdulle Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Cabdulaahi Faraweyne , Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Dowlada Puntland,Saraakiil ka tirsan booliska iyo ciidanka Dowlada Puntland,Siyaasiin,Haween,Dhalinyaro,Aqoonyahano iyo Dadweyne aad u fara-badan.
Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Cabdulaahi Faraweyne ayaa hadalo soo dhaweyn ah ka jeediyey Airport-ka Garowe, wuxuuna sheegay inay si kal iyo laab ah kumanaan ka tirsan shacabka ku nool Garowe usoo dhaweynayaan Musharax Jibriil Ibraahim Cabdulle, Wuxuuna sheegay Gudoomiye Cumar Faraweyne inay ka muuqato Musharax Jibriil Astaan Qaranimo, iyo Soomaalinimo,Isagoona u rajeeyay inuu ku guulaysto hogaaminta ummadda Soomaaliyeed.
Musharax Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa uga mahadceliyay Maamulka Gobolka Nugaal iyo shacabka Garowe soo dhaweynta diiran ee uu maanta kala kulmay , wuxuuna sheegay in Puntland hooyo u tahay soo celinta qaranimadii Soomaaliya, taas oo uu sheegay inay ahayd halkii laga bilaabay raadinta qaranimada Soomaaliyeed.
Waxa uu sheegay Musharax Jibriil Ibraahim Cabdulle in Ummada Soomaaliyeed ay ku jirto dhibaato iyo dowlad la,aan ragaadisay , wuxuuna balanqaaday haddii uu ku guulaysto afarta sano ee soo socota inuu dalka gaarsiin doono xasilooni iyo horumar balaaran.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Musharax Jibriil Cabdulle oo maanta Garowe si weyn loogu soo dhaweeyay appeared first on Puntland Post.