Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Dagaal u dhaxeeyo Puntland iyo Galmudug oo Gaalkacyo ka socda

$
0
0

Wararka Puntland Post Ay ka heleeyso magaalada Galakacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi waabarigii saakay uu ka dhacay Dagaal dhaxeeyay ciidamada Puntland iyo kuwa Gal-Mudug.

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in Dagaalkani ay soo qaadeen Maleeshiyaad ka tirsan kuwa Gal-Mudug.

Dagaalka ayaa hadda waxa uu ka socdaa xaafada Garsoor ee Magaalada Gal-kacyo waxaana la maqlayaa daryanka rasaasta Noocyadeeda kala duwan.

Qof goobjooge ah ayaa Puntland Post u sheegay in dagaalka uu hadda socdo islamarkaasina aanay sheegi karin qasaaraha dagaalkaasi.

Baryihii ugu dambeeysay Xiisado kacsanaan ah oo u dhaxeeysay Ciidamada Puntland iyo kuwa Gal-Mudug ayaa waxa ay ka taagneyd magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Faah Faahinta Warkaasi kala soco Puntland Post Insha allah.

PUNTLAND POST

The post Dagaal u dhaxeeyo Puntland iyo Galmudug oo Gaalkacyo ka socda appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>