Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Barnaamijka Fagaaraha Kulankiisii 23aad Oo Lagu Qabtay Garowe

$
0
0

Garowe (Puntland Post):- Waxaa hoolka jaamacadda PSU lagu qabtay barnaamijka fagaaraha kulankiisii 23 aad oo ah markii labaad oo soomaaliya lagu qabtay.

Barnaamijka fagaaraha oo ah barnaamij looga hadlo masiirka umadad soomaaliyeed iyo markaas xaalada markaasi taagaan, mawdooca looga hadlayey barnaamijka fagaaraha ayaa ahaa DOORASHADA CAKIR EE 2016 ! MAXAA XAL AH?.

Barnaamijka dooda fagaaraha ayaa waxaa marti ku ahaa Musharax madaxweyne Cali Xaaji Warsame, Musharax Xildhibaan Dawlada Faderalka Abshir Xasan Abshir,Cali Faysal oo ah xubin katirsan gudiga doorashooyinka dadban ee Puntland iyo Drs Idil Maxamud Jaamac oo ah gudoomiyaha dhaqdhaqaaqa talo wadaag, sidoo kale waxaa kasoo qayb galay boqolal dadweyne ah oo isugu jira masuuliyiin heel faderaal,heer dawladeed goboleed iyo dhalinyaro aqoon yahano ah kuwaas aad u danaynayey barnaamijka dooda fagaaraha.

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay madaxweynaha jaamacadda PSU Maxamud Xamid Maxamed oo ah mesha lagu qabanayey barnaamijka oo marti galiyey.

14590265_875985425836022_1365910925979820891_nMadaxweynaha jaamacadda PSU ayaa dhamaan martida kusoo dhaweyey jaamacadda PSU sido kalena sheegay in barnaamijyada noocaan oo kale ah ay waxbadan wax kabadalayaan dhibaatooyinka ka jira dalka ,loona baahan yahay in lasii badiyo.

Dhanka kale waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Gudomiyaha barnaamijka fagaaraha Sadik Warfa oo sharaxad ka bixiyey ujeedka loo sameyey barnaamijka fagaaraha ay tahay in la helo madal ay dadka soomaaliyeed kuwada hadlaan si loo gaaro xalka ay inbadan raadinayaan dadweynaha somaaliyeed.

Intaas kadib waxaa la gudo galay doodi dhexmaraysay marti ku casubna barnaamijka fagaaraha kulankiisii 23 aad ,waxaaana halkaasi ka hadashey oo qubado ka soo jeediyey masuuliyiintii barnaamijka martida ku ahayd iyagoona ka hadlay arimo badan oo kusaabsan doorashada larabo in ay dalka ka dhacdo 2016 kaas oo marar badan dib ay u dhacday doorashada waqtigii loogu talagalay,sidoo kale waxay ka hadleen xaalada uu dalka ku jiro iyo sida loo bad-baadin lahaa.

14516563_875984959169402_3336388125186306480_nMusharax Cali Xaaji Warsame oo ahaa musharaxa utartamaya xilka Madaxweyanaha soomaaliya ayaa a halkaasi ka hadlay kana jawaabay su,aalo badan oo ay waydinayeen dadweynihii ka soo qayb galay barnaamijka fagaaraha.

Cali Xaaji Warsame ayaa ka hadlay arimo badan oo ku saabsan siyaasada gudaha iyo siyaasada arimaha dibada iyo xirirada wadamada dariska ah .

Barnaamijka fagaaraha oo ahaa barnaamij aad u xamaasad badan ayna ka soo qayb galeen dadweyn aad ubadan ayaa sheegay in aad uga heleen barnaamijka sida wanaagsan ee loo soo qaban-qaabiyey iyagoona uga mahadceliyey Gudoomiyaha Barnaamijka Fagaaraha Sadik Warfa oo ah aasaasaha barnaamijkan iyo Maamulka jaamacadda PSU oo isku taxalujiyey in barnaamijkaan lagu qabto Puntland markiisii labaad ee soomaaliya lagu qabto,iyadoo horey loogu qabtay magaalada Muqdisho caasimada dalka soomaaliya.

14479537_875985549169343_2090121983748781484_n 14479783_875984952502736_6762562207464272628_n 14484605_875986005835964_6710565554513035414_n 14516366_875985535836011_4057624827397445296_n 14516563_875984959169402_3336388125186306480_n 14519691_875985362502695_8713287999009007907_n 14520585_875985255836039_1658282615304023997_n 14523059_875985655835999_4133750359221666389_n 14563307_875985695835995_4525916334643214197_n 14568200_875985572502674_448890843067905510_n 14568243_875984999169398_6364345145429971714_n 14572308_875985605836004_1095938457400816555_n 14581553_875984992502732_3423875506557271064_n 14590265_875985425836022_1365910925979820891_n 14590327_875985959169302_4076727200638556389_n 14591659_875985339169364_1185012868923560275_n 14591690_875985202502711_2770142856041862481_n 14591704_875985025836062_4861271080544785396_n img_3566 img_3596 img_3597 img_3602 img_3610 img_3614 img_3615 img_3618 img_3623 img_3625 img_3630 img_3633 img_3634 img_3636 img_3639 img_3641 img_3642PUNTLAND POST

The post Barnaamijka Fagaaraha Kulankiisii 23aad Oo Lagu Qabtay Garowe appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>