Gaalkacyo (Puntland Post):- Waxaa istaagay dagaal saaka ku dhex marey Galbeedka magaalada Gaalkacyo Ciidamo ka kala tirsan Puntland iyo Galmudug Kaas oo wararku sheegayaan inuu ka bilowday goob Puntland doonaysay inay ka bilowdo dhismaha xarun saylad ah oo lagu kala wareejiyo xoolaha isaga gudbaya Bartamaha iyo Gobolada Puntland.
Khasaaraha uu geystay dagaalka ayaa wararku sheegayaan inay gaareyso dhimashada ilaa 7 ruux iyo dhaawac intaas ka badan, waxaana uu ka bilowday dagaalku dirir subaxnimadii horre ee saaka ku dhex martay Galbeedka Gaalkacyo Maleeshiyo kazoo jeeda Puntland iyo Ciidamo ka tirsan Galmudug, wallow markii danbe ay si toos ah uga qeyb qaateen ciidamada Puntland.
Xaalada goobtii lagu dagaalamay ayaa wararku sheegayaan inay si buuxda ula wareegeen ciidamo ka tirsan maamulka Puntland.
Labada dhinac ee maanta ku dagaalamay Gaalkacyo ayaa wali ka hadlin dagaalka, Waxaana goor la filayaa inay uga hadlaan masuuliyiin ka tirsan Dowlada Puntland shir jaraa,iid oo warbaahinta ay ugu faahfaahinayaan xaalada Gaalkacyo iyo Khasaarihii ka dhashay maanta.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Dagaalka Gaalkacyo oo istaagay iyo khasaaraha ka dhashay. appeared first on Puntland Post.