Godobjiraan (Puntland Post):- Maamulka Degmada godobjiraan ee gobolka Nugaal ayaa ka bilaabay qodista ceel biyood riig ah tuulada War-gaduudo oo ka mid ah tuulooyinka hoosyimaada Degmada godob Islamarkaana ku taala caduunka Gobolka Nugaal.
Gudoomiyaha Degmada Godobjiraan Yuusuf Maxamed Faarax ayaa sheegay inuu ku yimid ceel biyoodka laga qodayo tuulada War-gaduud dadaal dheer oo uu maamulkiisu u galay sidii looga kaafiyi lahaa dadka iyo duunyadda ay haystaan biyo ku filan.
Waxa uu sheegay Yuusuf Maxamed Faarax inay ka mid tahay Wargaduudo dhulka Ooman soora ah oo inta badan biyo la,aantu ka dhacdo .
Sidoo kale Gudoomiyaha Degmada Godobjiraan ayaa ka bilaabay Tuulada Wargaduudo olole wax lagu barayo caruurta halkaas ku nool, isagoona gaarsiiyay agab waxbarasho ay ka mid yihiin Buugaag,Miisas,Kuraas,iyo Dhar yunifoon ah.
Isku soo wada duuboo Maamulka Degmada Godobjiraan ee Gobolka Nugaal ayaa mudooyinkii u danbeeyay ka waday deegaanada uu ka arrimiyo dhaqdhaqaaqyo lagu horumarinayo.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Tuulada War-gaduudo Gobolka Nugaal oo laga bilaabay Ceel biyood iyo Waxbarasho appeared first on Puntland Post.