Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Daawo Puntland oo si adag uga hadashay dagaalka Gaalkacyo

$
0
0

Garowe (Puntland Post):- Dowlada Puntland ayaa ka hadashay dagaalkii maanta ka dhacay magaalada gaalkacyo, waxayna sheegtay inay weerar kusoo qaadeen maleeshiyaad ka tirsan Alshabab oo aargudanaya duqeyntii 28 bishii Setemper ciidamada Soomaalida ah ee PSF-ta iyo Mareykanku ay ku sheegeen inay ku dileen xubno ka tirsan Alshabab.

Afhayeen Dowlada Puntland Cabdulaahi Maxamed Jaamac oo warbaahinta kula hadlay xarunta Madaxtooyada Garowe ayaa sheegay in weerarkii maanta uu dhaliyay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed-ba, isagoona xusay in dowlada Puntland difaacayso dadkeeda iyo deegaanada ay maamusho ee lasoo weeraray.

Quraanjecel ayaa ku eedeyay dagaalkan kooxo is biirsaday oo uu sheegay inay ka mid tahay Alshabab, ma uusan sheegin faahfaahin ku saabsan khasaaraha rasmiga ee soo gaarey dhanka shacabka iyo ciidamada Puntland iyo Haddii uu jiro khasaare ay u geysteen ciidamada ay dagaalamayeen ee dhinaca Koonfurta Gaalkacyo.

Daawo shirka jaraa,iid ee Afhayeenka Dowlada Puntland.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Daawo Puntland oo si adag uga hadashay dagaalka Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>