Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

In Kabadan 15 Ruux oo Shil koronto Muqdisho ugu Geeriyootay

$
0
0

PP-MUQDISHO: Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya gaar ahaan Degmada Yaaqshid ayaa xalay waxaa ka dhacay Fal aad looga Arga gaxo kadib markii gaari nooca raaxada ah uu ku dhacay baalo Koronto Ah.

Baaliyihii korontada ayaa ku soo dhacay dhalinyaro kubad ku Ciyaareeysay meel aan sidaasi uga fogeeynin waxaana Baalihii uu dhaliyay Koronto.

Waxaa halkaasi ku geeriyooday intii badneyn ee dhalinyaradii Kubadda Ciyaareysay 3 Ruux oo Saarneyd gaariga shilka galay.

Sidoo kale tiro ka badan 10 ruux oo u badnaa dhalinyaradii kubada Ciyaareeysay ayaana ku dhimatay taasi oo wadarta dhimashada ka dhigeeysa in kabadan 13 Ruux.

Qof goob joog ah oo qaar kamid ah ehaladeydisu ay meeshaasi ku dhinteen ayaa Puntland Post u sheegtay in Fal aad looga arga gaxo uu dhacay Qasaaruhuna uu intaasi ka badan karo.

Gawaarida Dam Damiska ayaa soo gaaray halka ay mashqadaan ka dhacday kuwaasi oo gurmad u sameeyay kuwo dhaawacmay, ugu dambeeyntiina waxaa la damiyay Korontadii.

Hoos ka dhageyso Warbixin.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post In Kabadan 15 Ruux oo Shil koronto Muqdisho ugu Geeriyootay appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>