Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Xaalada Magaalada Gal-kacyo oo Dagan Kadib Dagaalkii Shalay

$
0
0

Xaalada Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa degan kadib markii shalay uu dagaal Magaaladaas ku dhexmaray Ciidamo kala taabacsan maamulada Puntland iyo Galmudug.

Dhinacyadii wada dagaalamay ee Puntland iyo Galmudug, ayaa waxaa la soo sheegayaa in saakay ay is horfadhiyan goobihii ay Jimcihii kuwada dagaalameen.

Qoysas fara-badan, ayaa saacadihii ugu dambeeyay isaga cararay guryahooda, waxaana la soo sheegaya in ay gaareen duleedyada Magaalada Gaalkacyo.

Waqti walba oo Magaalada Gal-kacyo ayaa lafilan karaa in uu Dagaal ka qarxo Waxaana isi soo taraya baaqyada nabadeed ee loo dirayo dhinacyada Puntland iyo Gal-Mudug oo Ah in ay Joojiyaan Dagaalka.

PUNTLAND POST

The post Xaalada Magaalada Gal-kacyo oo Dagan Kadib Dagaalkii Shalay appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>