Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Musharax Jibriil oo su,aalo lagu waydiiyay Garowe

$
0
0

Garowe (Puntland Post):- Musharax Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa xalay kulan xog-waran ah la qaatay aqoonyahanada,Siyaasiyiinta, Haweenka iyo dhalinyarada ku dhaqan Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowladda Puntland.

Musharax Madaxweyne Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa ka xog-waramay marxalada dalka uu ku jiro iyo siyaabaha looga gudbi karo isagoo sheegay in dalka Soomaaliyeed u baahanyahay in la gaarsiiyo dowladnimo iyo horumar waarah.

Musharax Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa sheegay in dowladda hada jirtah ay ku guuldaraysatay afartii sano ee ay jirtay howlihii loo igmaday waxaana uu sheegay madaxda hada joogtah ka gaabiyeen gabi ahaanba howlihii qaranimo ee loo igmaday hadana ay doonayaan inay markale dalka hogaamiyaan arintaas oo ku tilmaamay mid aan la qaadan karin.

Musharax Jibriil ayaa sidookale sheegay in dadka Soomaaliyeed aysan isnecbayn balse ay kala baqayaan waxaana uu intaa raaciyey in loo baahanyahay in lasoo celiyo kalsoonidii iyo is aaminaadii ummada Soomaaliya waxaana uu sheegay in hadii uu xilka ku guulaysto uu ahmiyada kowaad siinto dib u heshiinta iyo midaynta Ummada Soomaaliyeed.

Musharax ayaa ugu baaqay Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed iyo Madaxda maamul gobaleedyada inay soo xulaan xildhibaano ka saari kara Ummada Soomaaliyeed marxaladaan qalafsan ee ay ku jirto isagoo ka digay in musuqmaasuq iyo nin jeclaysi laga digtoonaado.

Dadweynihii kasoo qayb-galay kulanka ayaa su,aalo waydiiyey ku aadan arimaha Soomaaliya iyo waxqabadkiisa waydiiyey Musharax Jibriil Ibraahim waxaana musharaxu uu ka jawaabay su,aalaha la waydiiyey.

Daawo Sawirro.

img_3644 img_3646 img_3647 img_3650 img_3651 img_3652 img_3653 img_3655 img_3656 img_3657 img_3658 img_3661 img_3662 img_3664 img_3666 img_3670 img_3671 img_3673 img_3674 img_3675 img_3676 img_3678 img_3679 img_3680 img_3681 img_3682 img_3683 img_3684 img_3685 img_3686 img_3689 img_3690 img_3692Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Musharax Jibriil oo su,aalo lagu waydiiyay Garowe appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>