Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa goor dhow shaacin doona liiska musharaxiinta aqalka sarre ee Puntland u matali doona Dowlada Federalka Soomaaliya.
Shir loo balamiyay Suxufiyiinta ku nool Garowe ayaa goor dhow la filayaa inuu ku shaaciyo Afhayeenka Dowlada Puntland Quraan-jecel musharaxiinta uu u magacaabay Madaxweyne Cabdiwali Gaas inay u tartamaan 11 kursi ee Puntland ku leedahay aqalka sarre Baarlamanka Dowlada Federalka Soomaaliya
Sida qorshuhu yahay musharaxiinta loo magacaabay aqalka sarre waxaa cod xor ah ku kala saari doona maalmaha soo socda baarlamanka Puntland ,Waxaana kasoo hari doona 11 xubnood oo matali doona qoondadii Puntland ka heshay Aqalka sarre ee Soomaaliya
Faahfaahin dheeri ah kala soco Puntland Post
The post “Deg Deg” Xogta ku dhawaaqista xubnaha aqalka sarre ee Puntland appeared first on Puntland Post.