Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Akhriso magacyada musharaxiinta Puntland u magacowday aqalka sarre ee Soomaaliya

$
0
0

Garowe (Puntland Post):- Afhayeenka Dowlada Puntland Cabdulaahi Maxamed Jaamac (Quraanjecel ) ayaa goor dhawayd usoo bandhigay warfidiyeenka liiska ay ku qoran yihiin in ka badan 25 xubnood oo Madaxweynaha Puntland u magacaabay musharaxiinta u tartamaysa aqalka sarre ee baarlamanka Dowlada Federalka Soomaaliya.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo ah Raysal wasaaraha Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay la tartamayso haweenay magaceeda la yiraahdo Aamino Aadan Cabdulaahi

Yaasiin Cabdiseed  oo ka mid ah Xildhibaanada Dowlada Federalka ee waqtigu kazoo dhamaanayo ayaa la sheegay inay  la tartamayso Saynab Xaashi Biixi

Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) oo ah musharax u taagan Madaxweynaha Dowlada Federalka Soomaaliya sidoo kalena ahaa Madaxweynihii horre ee Puntland ayaa la sheegay inuu la tartamayo Cabdimahdi Abshir Cismaan oo horey u ahaan jiray madaxii maamulka Madaxtooyadda xilligii uu Madaxweynaha ka ahaa Puntland Dr Cabdiraxmaan Faroole.

Kursiga Afaraad ayaa lagu sheegay inay ku tartami doonaan afar  musharax oo midkood yahay Agaasimaha Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha iyo Ciyaaraha Puntland , waxayna kala yihiin musharaxiinta u tartamaysa

  1. Siciido Xasan Cismaan ,
  2. Axmed Maxamud Cabdalla Tigaana ,
  3. Siciid Maxamud Aadan,
  4. Maxamed Maxamuud Cali

Sidoo kale kursiga shanaad waxaa ku tartamaysa Afar musharax oo kala ah

  1. Hodan Maxamuud Cismaan
  2. Axmed Maxamed Maxamuud
  3. Caydiid Saleebaan Xaashi
  4. Axmed Maxamed Faarax

Dikreetada kazoo baxday xafiiska Madaxweynaha Dowlada Puntland ee lagu magacaabay musharaxiinta u tartamaysa kuraasta aqalka sarre ee Puntland ayaa lagu sheegay inay ku tartami doonaan labo Musharax oo kala ah Cabdirasaaq Cismaan Xasan Juuriile oo ah siyaasi caan ka ah Soomaaliya iyo Hodan Cismaan Cilmi.

Sidoo kale xubno uu ka mid yahay Jeneralka caanka ah Maxamed Siciid Moorgan ayaa la sheegay inay kula tartami doonaan kursiga aqalka sarre Mahad Cabdalla Cawad iyo Maxamuud Cali Siciid

Hoos ka akhriso liiska magacyada musharaxiinta oo dhamaystiran.

1: Cumar Cabdirashiid waxaa la tartami doona Aaamin aadan Cabdullahi

2 Yaasiin Cabdiseed waxaa la tartami doona Saynabd Xaashi Biixi

3 Cabdiraxman Farole waxaa la tartami doona Cabdimahdi Abshir

4; Siciid Cismaan waxaa la tartami doona Axmed Cabdalla Tigaana, Siciid Maxamuud Aadaan iyo Maxamed Maxmauud Cali bille

5: Hoodan maxamuud Cismaan waxaa la tartami doona Axmed Maxamed Caydiid Saleebaan iyo Xaashi Axmed Maxamed Faarax

6: Cabadirazaaq Cismaan Xaaji Jurile waxaa la tartami doona iyo Hodan Ismaaciil Cilmi

7: Maxmauud Axmed Maxmaed waxaa la tartami doona Faadumo Yaasiin MAXAMED

8: Mahadd Cabdala Cawad waxaa la tartami doona Maxmed Siciid Xirsi Moorgan iyo Maxamuud Cali Siciid

9; Cabdixakiin Axmed Xaashi waxaa la tartami doona Mahad daahir Shiikh Nuur iyo Cabdikhadar Faarax Shaaciye

10: Cali Ismaaciil Cabdi Giir waxaa la tartami doona Shurgri Cabdullahi Maxamuud iyo Faarax Cali Xuseen

11: Cabdisalaad Xaaji Maxamed Dheere waxaa la tartami doona Siciid Maxmed Cali iyo Faarax Cawad Jaamac.

Dhagayso codka Afhayeenka

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Akhriso magacyada musharaxiinta Puntland u magacowday aqalka sarre ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>