PP -Muqdisho:- Xalay xaafado ka agdhow garoonka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhacday Madaafiic gaar ahaan Hoobiyaal.
in kabadan 5 Hoobiye ayaa ku dhacday xaafado aan sidaasi oga fogeeyn garoonka Magaalada Muqdisho taasi oo geysatay khasaarooyin kala duwan.
inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa ku geeriyooday in ka badan 5 kalana waa ay ku dhaawacantay Hoobiyaashaasi oo dadka ugu tagay xaafadahooda.
Hoobiyaasha qaar ayaa waxa ay ku dhaceen goobo Masaajida ah oo dadku ay ku cibaadeeysanayeen xili lagu jiray salaadii Maqrib.
Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya kama aanay hadlin Madaafiicdaasi iyo halka laga soo tuuray hayeeshee dhowr jeer oo hore ayaa Madaafiic khasaare geystay waxaa lagu gaaracay qeeybo kamid ah Muqdisho oo Madaxtooyada Soomaaliya ay ku jirto.
Hoos ka dhageyso Warbixin.
Xasan Maxamed samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho
The post Madaafiic ku Dhacday Xaafado Ku Dhow Garoonka Muqdisho oo Khasaare Geystay appeared first on Puntland Post.